Home / Arrimaha Bulshada / Wiil da’yar oo kaalin ka geystay inay diinta Islaamka qaadato gabar jarmal ah

Wiil da’yar oo kaalin ka geystay inay diinta Islaamka qaadato gabar jarmal ah

Himilo – Gabar u dhalatay dalka Jarmalka ayaa masjid ku yaala magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ku soo muslimtay, kaddib markii wiil dhalinyaro falastiiniyiini ah oo ka soo jeeda marinka Qaza, uu ku booriyay diinta Islaamka.

Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Muxamed Tamraz ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray “Dhammaadkii sannadkan waxa uu ahaa mid wanaagsan, waxaana mahad leh Allah kaliya oo iga caawiyay in gabadhaan ay soo islaamto, waxaan u mahad celinayaa asxaabta ila wadaagay farxadan.”

Haweenayda soo islaamtay ayaa loo qabtay shahaadada, kaddibna waxaa loogu macneeyay afkeeda Jarmalka ah.

Wiilkan dhallinyarada ah ee reer Falastiin ayaa guddoonsiiyay hadiyad gabadhan markii ay soo islaamtay, waxayna u qeybiyeen dadkii goobta joogay macmacaan, si farxadda loola dareemo gabadhan Alle haleeshiiyay wadada saxan.

Dhaqdhaqaaqayaal Carbeed oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinaya xilliga ay gabadhan ku dhawaaqday inay qaadatay Diinta Islaamka, iyadoo ay farxad iyo duco ay ka heleen dadkii goobta joogay.

Geyfanayaal ayaa la falgalay muuqaalka gabadha Jarmalka ah, waxaa kamid ah Cabdullaahi Al-Nashar oo yiri, “Qof kasta oo aaminsan in dhallinyaradeennu ay u tahriibaan wadamada Yurub lagana xayuubiyay soo jiereenkeennii iyo dhaqankii islaamka, balse waxaa maya yiri walalkeen oo sameeyay arrintan wanaagsan, warka ku saabsan in gabadh Jarmal ah lagu dhawaaqay in ay Islaamtay, waxa ay ku timid fadliga Alle marka hore, kaddibna hawsha walaalkeen.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan