Home / Habka-Nolosha / Wiil diiwaanka dunida ku galay rastaynta ciyaarta Jenga

Wiil diiwaanka dunida ku galay rastaynta ciyaarta Jenga

Himilo – Auldin Maxwell oo ku sugan Canada, wuxuu goob fagaare ah ku galay buugga diiwaanka dunida kaddib markii uu is dulsaaray 693 xabbo oo ah gabalada ciyaarta Jenga-ha.

Mr Maxwell wuxuu daaha ka rogay inay tani ahayd isku daygiisii afraad ee uu ku damacsanaa jabinta rikoor, sannadkii hore ayuu isku dayadaas ku sameeyay Arizona.

Maxwell wuxuu qirayaa inay qaadatay ficil badan si loo dhamaystiro farsamadiisa isdul-saaridda si loo hubiyo in isku daygiisii rikoor-ka ahaa uu guuleystay.

Wuxuu u sheegay CBC Radio West: “Waxaan sameeyay noocyo kala duwan oo ah qaabab aan dhulka ku sameyn karo, ka dibna waan tijaabiyey waxaanan arki doonaa kuwa shaqeeya iyo kuwa inta badan xajisan kara gabalada.”

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan