Muqdisho – Da’yar ayaa maareeyey inuu qeyla dhaansan karo kadib markii tareen uu dul maray labadiisa lugood.
Wiilkan ku nool Georgia ayaa booliska u sheegay inuusan ugu tala-gelin wax-yeelada naftiisa markii uu ku fariistay dhabbe-bireedka tariinka oo ka ag dhawaa beerta raaxada.
Sarkaal katirsan waaxda booliska Lilburn oo lagu magacaabo Andy Blimline kaas oo ku sugnaa goobta ayaa sheegay in 17-jirka lagu magacaabo Jacob Ohl uu ku dhacadiidsanaa dhabarkiisa.
Wuu miir-daboolmay maadaama si xun uu u dhaawacmay. Blimline wuxuu sheegay in labada addin ee wiilka aysan in badan aheyn kuwa kusii dhaganaan kara xubnihiisa kale.
Ohl ayaa loola cararay isbitaalka halkaas oo ay dhaqaatiirtuna awoodi waayeen inay isku hayaan xubnihiisa. Wuxuu xirnaa jaakad daboolan oo uu ku dhageysanayay sameecad ugu jirtay dhagihiisa.
Qoyskiisa ayaa hadaba deeq isugu ururinaya si ay gaariga cuuryaamiinta ugu iibiyaan.
“Wiilkeennii fariidka ahaa ee Jacob Ohl wuxuu shalay galay shil halis ah, wuxuuna hadda ku jiraa xaalad miir daboolnaan ah,” ayay waalidkiisu sheegeen.
“Labadiisa lugood oo dhan ayuu tareenku ka maray. Hayeeshe laga soo bilaabo jilbaha ilaa madaxiisa way fiican yihiin; maskaxdiisana waxba ma gaarin.”
“Jacob wuxuu shalay galay qalliin si loo dhayo; maanta waxaa laga jari doonaa addimadiisa.”
“Waxaan ka xunnahay inaan ku dhawaaqno in xubnihiisa qaar ay maanta ka haraan.”
“Balse waxaan wali ku faraxsannahay inuu noo nool yahay.”
Jacob ayaa ku fiicnaa ciyaarta Jeeska iyo qoob-ka-ciyaarka. Wuxuuna door fiican kaga jiray kooxda u qaabilsan ciyaaraha ee iskuulka degmada.
Si kastaba, qoyska ayaa lacag u dhaxeysa $33,000 ilaa $40,000 usoo uruuriyay inankooda.
when the cycle is over do 4 weeks of nolva 20mg ed and Sustain Alpha for pct prescriptions for propecia in nj 59USD tablet K tab 10 meq tablet sa 0