Home / Arrimaha Bulshada / Wiil qaxooti ah oo xiddig ka noqday baraha xiriirka Bulshada

Wiil qaxooti ah oo xiddig ka noqday baraha xiriirka Bulshada

Himilo – Camar Maskoun, waxa uu 13 sano oo ka mid ah noloshiisa ku qaatay magaaladii uu ku dhashay ee Xalab oo xuddun u ahayd dagaal toban sano jirsatay oo ay ku dhinteen ku dhawaad nus milyanka ruux.

Inkasto oo uu isagu ka badbaaday dhibaatadaasi, haddana waxaa ku dhintay carruur la fil ah, kuwo ka da’ weyn iyo qaar ka yaraaba.

Caamir waxa uu jeclaa in mar uun noqdo shaqsi dadka ka qosliya haddana xaalada ka taagan magaaladiisa uma saamaxeynin inuu qaado waddadii uu ku rumeyn lahaa riyadiisa.

Nasiib darro, markii uu 13-jirsaday ba waxa uu ka midnoqday shantii milyan ee ruux ee ka qaxday dagaalka sokeeye ee Siiriya.

Isaga oo qaxooti da’yar ah oo aysan wehlin qoyskiisa, ayuu gaaray Turkiga, halkaasi oo uu ka billaabay sameynta sheekooyinka madadaalada leh oo uu ku baahin jiray bartiisa Instagramka.

Waxa uu uga sii gudbay faransiiska, halkaasi oo ay ku noolaayeen qaar ka mid ah walaaladiis.

Waxa uu ka baxay noloshii kelinamada ahayd ee Istanbul, waase mid kale oo cusub oo qaxootinimo ah, taasi oo kusii haysay dhabihiisii guusha.

Sheekooyinka madadaalada leh ee badi uu ka matalo qoysaska carabta, ayaa u horseeday in bartiisa Instagramka oo jirta wax ka yar toddobo san, ay ku xirmaan ku dhawaad afar milyan oo ruux, halka saaxiibadiisa Youtubekana gaaraya 3.97 milyan.

Muqaaladiisa, oo qaarkood uu ka matalo dhaqamada hooyadii, waxey u dhaweeyeen guusha, oo wuxuu ku guuleystay abaal marinta xiddiga baraha bulshada ee barigga dhexe ee sanadka 2021, taasi oo ay u codeeyaan dadka isticmaalada warbaahinta bulshada.

Waxaa la tartamayay dhalinyaro Carbeed oo caan ka dhex ah baraha bulshada, waxaana ka mid ahaa dadka uu kaga guulleystay tartanka gabadha Ciraaq u dhalatay ee ka caan ah Youtube-ka ee Noor Stars, taasi oo ay ku xiran yihiin ku dhawaad seddax laab inta ku xiran Camar Maskuun.

Mar wax laga weydiiyay sida ay ku timid guushiisa, wauxuu sheegay in isaga oo arday ah shaqeeyana si uu u biilo reerkiisa oo uu kaga soo tagay Siiriya, uu billaabay inuu sameeyo muuqaalo.

Markii uu bartiisa Instgram-ka galiyay muuqaalkii ugu horreeyay markaasi oo ay ku xirnaayeen 43 qof oo keliya, saacado kaddib na waxay gaareen toban kun, taasi oo noqotay dhiirigelintii dhaqaajisay.

Qore: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan