Home / Arrimaha Bulshada / Wiil Soomaaliyeed ah oo Sabab u noqday Islaamidda Gabar Ruushiyan ah

Wiil Soomaaliyeed ah oo Sabab u noqday Islaamidda Gabar Ruushiyan ah

Himilo – Saaxiibadii iyo ehelkii ay ka dhalatay waxay wali ugu yeeraan EKratine laakiin marwalba oo usoo daadagto waddooyinka magaalada iyada oo xiran xijaab magaceedu wuxuu isku beddelaa samiiro.

Kanina waa shaqsiga ugu muhiimsan nolosheeda oo fure u ah fahamkeeda Islaamka iyo kamid noqoshadeeda bulshada Muslimka ah. Magaciisuna waa Yoonis – dhalashadiisuna waa Soomaali.

Balse halkee ayay iska barteen Samiira Iyo Yoonis?

“Telegram-ka barnaamij ka socday oo lagu barto luqadda English-ka ayaan isku barangay; halkaas ayuuna kasoo bilowday safarkeedii ugu dambeyntii kusoo dhammaaday qaadashadeeda Islaamka,” ayuu yiri.

EKratine oo u dhalatay dhalatay dalka Ruushka, waxay sheegtay inay ahayd mid lagu soo barbaariyo diinta masiixiyadda – marwalbana ay aragtiyo qaldan ka maqli jirtay Muslimiinta. Magaca Islaam-na ay kula kowsatay wax-barashada dugsiga.

“Waxaan jeclaaday sida ay Muslimiintu u dhaqmaan; midda ugu cajiibsanna waa sida ay ula dhaqmaan haweenkooda – bulshada aan kasoo jeedo waxay aaminsan yihiin aragti ah in gabdhaha Muslimaadka ah ay diintoodu cadaadiso; oo ay addoomo u yihiin ragga qaba,” ayay tiri.

Sannadkii hore ayay si kastaba kamid noqotay bulshada Muslimka, laakiin doorashadeeda Islaamku ma ahan mid ay soo dhaweeyeen dadkeedu – hooyadeedna kumaba sii jirin.

“Ma ahayn aniga qofka aqbalay Islaamka; ee Islaamka ayaa aniga i aqbalay; hooyadayse laam dhacsaneyn doorashayda. Waxay igu tiri waxaad dhabarka ka toogatay Rabbiga, iyo Masiixa. Waxaan isku dayay inaad in badan u sharraxo Islaamkayga laakiin igama dhagaysan. Dunidanna waxay ka tagtay iyada oo aan Muslimad ahayn,” ayay tiri.

Yoonis wuxuu tilmaamay sida Samiira ay marwalba ay ula deris ahayd walwal iyo walbahaar iyo kaddib xasiloonidii ay heshay markii ay qaadatay Islaamka.

“Waxay iiga sheekeyn jirtay sida aysan qanaaco ugu dareemeyn nolosha oo ay mararka qaar lasoo deristo cabsi iyo warwar badan – kadib Islaamideediina, waxay iigu bishaareysay inay heshay deganaan ruuxi ah,’ ayuu yiri.

Wax walba uma fududeyn inay mar qura ka reebtoonaato sida cunnooyinka aan xalaasha ahayn iyo qamriga. Haddase ay dareemeyso dhammeystirnaan.

“Iskuma dayin inaan mar kaliya isku xilqaamo wada gudashada amarka Alle sida inaan dukado ama aan xijaabka xirto. Waxay iiga baahnaayeen dadaal badan madaama nolol maalaa-yacni ah aan iskaga noolaan jiray kahor; way iska fududeyd inaan iskaga haro cabidda qamriga ama hilibka doofaarka waxaase igu adkeyd inaan Islaamnimadayda muujiyo,” ayay tiri.

Maadama aysan labaduba si fool-ka-fool ah isku arag, Yoonis wuxuu sheegay inay ka wada hadleen Samiira suuragalnimada kulan ay isku marxabeeyaan.

“Kulan ku saabsan wada qaadashada farxadda iyo wanaagga walaalnimada ayaan isla garanay inaan mar ku yeelanno meel kamid ah Aasiya siiba Malaysia oo ah halkii uu kasoo bilowday barashadeenna,” ayuu yiri.

Sannad kasta tiro lagu qiyaasay ku dhawaad nus milyan ayaa kusoo biira bulshada Muslimka – diinta Islaamkuna waa midda ugu faafidda iyo tirada badan diimaha dunida oo dhan.

Qore: Zaki Hiraale.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan