Home / Macluumaad / Wiil wax-yar kahor diyaarinta tacsidiisa la ogaaday inuu nool yahay

Wiil wax-yar kahor diyaarinta tacsidiisa la ogaaday inuu nool yahay

Muqdisho – Wiil loo maleeyey inuu dhintay ayaa dib loogula cararay isbitaalka kadib markii uu soo miyirsaday wax-yar un kahor mar la iskugu diyaariyay duugtiisa.

Ningappa iyo Manjula Marewad ayaa sheegay in wiilkooda uu qaniinay Ey baadi ah bishii hore mar uu ka shaqeynayay shirkad dhismo.

Dhaawaca ayaa si fiican u bogsaday, hayeeshe toddobaadkii hore, Kumar ayaa bilaabay inuu xumad la qarqaryoodo.

Waxaana markaas loola cararay isbitaalka halkaas oo xaaladdiisa laga deyriyay.

Dhaqaatiirta ayaa ku xiray ogsijiinta waxayna waalidiinta u sheegeen in wiilkani uusan lahayn fursad uu kaga samata-baxo infection-ka oo ku baahay oogadiisa oo dhan darteed taas oo kaga timid qaniinyada Eyga.

Ningappa iyo Manjula waxay go’aansadeen inay inankooda dib ula noqdaan waxayna diyaariyeen duugtiisa maadaama uu neefsiga joojiyay.

Si kastaba, xubnaha qoyska ayaa qarracmay markii Kumar uu dib u bilaabay neefsiga – kana jareeyey lugaha iyo gacmaha.

Kumar ayaa hadana dib loogula cararay isbitaalka halkaas oo hadda la sheegay inuu ku jiro xaalad liidata.

Dr. Mahesh Neelakhantannavar ayaa sheegay in Kumar uu la silcayo cudurka meningoencephalitis, oo ah infection ku dhasha qaniinyada Eyga.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan