Home / Macluumaad / Wiil yar oo Dallad kaga soo haaday dabaq ay degan yihiin

Wiil yar oo Dallad kaga soo haaday dabaq ay degan yihiin

Muqdisho – Hooyo ayaa qarracan ka qaaday aragtida wiilkeeda oo kasoo dhacay dhismo isasaar ah – kadibna si xun u dhaawacmay.

Marka loo eego hooyada, wiilka ayaa daawanayay muuqaal Kartuun ah – oo muujinaya qof kaga soo haadaya dhismo dheer barashuut; isna wuxuu isku dayay inuu sidaas oo kale sameeyo.

U sheegid la’aanta qorshihiisa qofna, wiilkan 7 sano jirka ah wuxuu soo qaatay Dallad uu isticmaalayo sida barashuutka. Wuxuu daaqadda balakoonka 10aad ee aqalkooda oo dhismaha kamid ah kaga soo haaday Dallada.

Nasiib-wanaag, wiilkani wuu samata-baxay. Marka loo eego goob-joogayaasha, markii uu soo dhacay wuxuu ku dul hakaday fiilooyinka danab koronto taas oo xawligiisa yareysay.

Wiilka waxaa loola cararay isbitaalka halkaas oo qalliin lagu sameeyay. Xaaladdiisuna hadda waxay ku sugan tahay caadi.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan