Home / Macluumaad / Wiilka qasaalad uu isku dhex qariyay ay ku dhagtay muddo saacado ah.

Wiilka qasaalad uu isku dhex qariyay ay ku dhagtay muddo saacado ah.

Muqdisho – Wiil yar ayaa naftiisa baray in dheeshu mararka qaar ay dhimashada u dhowdahay kadib markii muddo saacado ah uu ku dhex xirmay qasaaladda dharka lagu dhaqdo, marka loo eego booliska dalka Ukraine.

Booliska Kharkiv ayaa sheegay in loogu yeeray guriga wiilkan 7 sano jirka ah kagadaal markii uu awoodi waayay inuu kasoo baxo mashiinta lagu meyro dharka.

Wiilka wuxuu booliska u sheegay inuu walaashiis ka yar la ciyaarayay ‘Dhuudhuumashow’ markii uu go’aansaday inuu isku dhex qariyo mashiinka dharka – qasaaladda oo uu is yiri waa meesha ugu fiican ee lagu dhuunto.

Wuuna saxsanaa oo walaashiis ma awoodin inay soo hesho meesha uu ku jiro.

Markii la gaaray waqtigii uu soo bixi lahaa, wuxuu ogaaday inuusan awoodin.

Hooyadiis ayaa isku dayday inay kasoo saarto qasaaladda, laakiin kuma guuleysan.

Taasina waa markii ay wacday booliska.

Afar qof oo qaabilsan gurmadka degdeg ah ayaa halhaleel ku yimid goobta si ay wiilka u caawiyaan.

Waxay marwaxad hordhigeen qasaaladda maadaama wiilka sheegtay inuusan hawo fiican haysan: neefsashaduna ku adag tahay.

Waxay haddana dusha kaga bilbileen saliid si ay ugu fududaato soo bixista.

Wiilka wax dhibaato ah sooma gaarin markii uu kasoo dhex baxay qasaaladda.

Dhacdadani ma ahan middii ugu horreysay ee carruur ay isku dhex ridaan qasaaladda. Waxay ahayd sanadkii hore markii sidaan oo kale gabar yar ay ku adkaatay inay kasoo baxdo qasaalad ay gashay xilli hooyadeed ay ku maqneyd inay suuqa kasoo adeegsato.

qasaalad 1 qasaalad 3

Qore: Zakariya Xasan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan