Himilo – Weeraryahanka Arsenal Willian ayaa lagu soo warramayaa inuu xiiseynayo Yurub iyo MLS isagoo isku diyaarinaya inuu ka tago Emirates Stadium inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa si xor ah ugu soo biiray Gunners bishii Ogosto ee la soo dhaafay ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisii Chelsea, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu boos ka helo Waqooyiga London.
32 jirkaan ayaa dhaliyay kaliya hal gool 37 kulan oo uu u saftay kooxda Mikel Arteta, iyadoo warbixin dhawaan soo baxday ay sheegtay inuu dhaqaaqi doono ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.
Sida uu sheegayo saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, South American-ka ayaa la filayaa inuu baxo xagaagan, waxaana jira xiiso ka imaanaya Yurub iyo MLS oo ku aadan weeraryahankan khibrada leh.
Romano ayaa sheegay in Inter Miami ay dooneysay inay la soo wareegto Willian xagaagii lasoo dhaafay, inkastoo aysan haatan jirin wax muujinaya in kooxda ka ciyaarta horyaalka Mareykanka ee MLS ay ku sii socon doonto suuqa soo socda.
Da’yarkii hore ee Corinthians ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay Arsenal ay ciyaartay Premier League wuxuuna ku jiray gool dhaliyayaasha kulankii West Bromwich Albion ee 9-kii May dhacay.