Home / Cayaaro / Wolverhampton Wanderers oo xaqiijisay inay la soo wareegtay Sasa Kalajdzic

Wolverhampton Wanderers oo xaqiijisay inay la soo wareegtay Sasa Kalajdzic

Himilo – Ka dib markii uu Fabio Silva u ogolaaday inuu amaah ugu wareego Anderlecht, maamulaha kooxda Bruno Lage ayaa si cad u qirtay dhowr toddobaad inuu aad u doonayay inuu la soo saxiixdo ciyaaryahan kula tartami kara Raul Jimenez boos bilow ah.

Inkasta oo tiro ciyaartoy ah lala xidhiidhiyay inay u wareegayaan Molineux, haddana waxa soo if-baxday usbuucii hore in kooxda ka ciyaarta Premier League ay u aqoonsatay Kalajdzic inuu yahay bartilmaameedkooda koowaad.

Saddex sano oo uu joogay Stuttgart, waxa uu ka qayb qaatay 24 gool iyo 12 caawin 60 kulan oo uu saftay, 16 ka mid ah weeraradaas waxa uu ka dhacay Bundesliga xilli ciyaareedkii 2020-21.

Xiddigan ayaa horaantii xagaagan lala xiriirinayay Manchester United iyo Bayern Munich balse ugu dambeyn Wolverhampton Wanderers ayaa ku dhawaaqday saxiixa weeraryahanka.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan