Home / Cayaaro / Wolves oo dhammeystirtay saxiixa Semedo

Wolves oo dhammeystirtay saxiixa Semedo

Himilo – Kooxda ku ciyaarta garoonka Molineux ee Wolverhampton, ayaa dhammeystirtay heshiis seddax sanno ah, si ay ula soo wareegto daafaca midig ee Barcelona Nelson Semedo.

Semedo oo lagula soo wareegay aduun dhan 36.8-milyan oo Ganni, ayaa baddel u noqon kara Matt Doherty oo bishii hore ku biiray Tottenham.

Xiddigan reer Portugal, ayaa talaadadii soo dhigay bartihiisa Instagram-ka qoraal u qornaa sida “Aad ayaan idiin kugu mahadcelinayaa Barcelona maadaama aad ii rumeyseen riyadeyda ahayd inaan xirto funaanadda kooxda, waxaa soo qaatay seddax sanno oo cajiib ah kuwaas oo aanan hilmaami doonin”

Tagista Nelson Semedo, ayaa kusoo aaday xilli la filayay. Barca ayaana lala xiriirinayaa in dooqeeyda ku jeedo Hector Bellerin-ka Arsenal, xiddigga Norwich City ee Max Aarons iyo Sergino Dest-ka Ajex.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan