Home / Macluumaad / Xaafado Induniisiya katirsan oo sida Joodariga ugu seexda Ciidda ama Carrada

Xaafado Induniisiya katirsan oo sida Joodariga ugu seexda Ciidda ama Carrada

Muqdisho – Daganayaasha ku nool xaafadaha yaryar ee gobalka Batang ee dalka Induniisiya ayaa doorbida inay ku seexdaan carrada ama ciidda halkii ay ku seexan lahaayeen joodariyaal. Dhaqankan qadiimiga ah kaas oo wali dhaqan-gal ka ah dalka dhaca Aasiya shishe waxaa loo arkaa mid caafimaad leh.

Inaad in yar ku dul-seexato ciid waa iska caadi, hayeeshe inaad ciidda ka dhigato joodariga aad habeen kasta ku seexato waa sheeko kale. Ka reer Batang-Batang ahaan, majiro wax uga qiimo badan ciidda ay ku seexdaan. Ku teedsanaanta dhulal xeeb leh, badnaanshaha ciid ay ku seexan karaan ayaa dhaqankan ka dhigtay mid sii xidideystay taniyo muddaba.

Hareeraha guri kasta oo ay degan yihiin ayay ciiddu tuuran tahay; waxay la galaan lugaha xilliga kuleylaha si ay diirrimaad uga helaan sidoo kale xilliga qaboobaha. Qolalka gudahooda waxay ciiddu u tahay joodariga kaliya ee u baahan barkimo. Xattaa hodantiilayaasha degmada waxay doorbidaan ku jiifsiga ciidda – halkii ay ku seexan lahaayeen joodariyada. Marmarna waxaa loo xardhaa si qurux badan.

Daganayaasha xaafadahan oo badigood ah kulluumaysato ayaa qaba in carradan ay tahay mid caafimaad leh. Waxayna kahor tag u tahay xaalado badan sida rumatiisimada – in kasta oo aysan jirin baaritaanno lagu ogaaday. Balse ciidda xeebaha ayaa caadiyanba iska ah mid diirran marna qabow.

Waxaa marmar dhacday in dood ay arrintani dhalisay markii la sheegay in haweenka gobalka ay ku dul dhalaan ciidda korkeeda.

1 12

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan