Home / Caruurta / Xabaddii Daangada ahayd ee halista galisay nolosha dhallaan

Xabaddii Daangada ahayd ee halista galisay nolosha dhallaan

Himilo – Jordy Gordon oo kasoo jeedda Scotland, waxa uu ahaa laba sano jir markii uu afka gashtay uu dabadeedna liqay daango, taas oo noloshiisa khatar galisay.

Hooyadii Shona Macgillivray, ayaa ula carartay isbitaalka markii uu joojin waayay qufac, iyada oo mootay inuu qaaday caabuq dhanka feeraha ah, balse qalabkii cilad ifiyaha ahaa waxa uu sheegay wax kale.

Waxaa sanbabkiisa lagu arkay cad yar oo daango ah, taas oo sababtay in mid ka mid ah sambabada Jordy uu burburo gabi ahaanba. Waxaa ku adkeyd inuu neefsado, sawir kale oo la saaray ayaa lagu ogaaday in wadnihiisa ay ka jirto cilad, dhaqaatiirta ayaan ka digay qaliin lagu sameeyo.

July, 2016-kii ayaa la dhigay Jordy isbitaalka Queen Elizabeth University Hospital ee ku yaalla Glasgow, halkaas oo lagula sameeyay qaliin adkaa oo qaatay 12-saacadood. “ waxa uu ahaa waqti xun waxaan u soday horrey iyo gadaal, ilmo ayaana iga qubaneysa,” ayey hooyo Shona dareenka ku sifeeysay.

Lix maalin kaddib, ayaa laga saaray isbitaalka isaga oo dib ula midoobay hooyadii, Aabihii iyo walaalkii Rhys. Jordy, hadda waa toban sano jir waxa uuna usoo kabsaday si buuxda.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan