Fureyaal xabsi oo lagu beddelayo €50,000

Himilo – Marka aad shaqo billaabayso waxyaabaha maskaxdaada ku soo dhacaya waxaa ka mid ah cajab gelinta madaxda ama milkiilayaasha goobtaada shaqo.

Nin tababarka shaqaaleysiinta ka horreeya ku qaadanayay xabsi ku yaala Jarmalka ayaa ku dhaqaaqay ficillo uu ku muujinayay shaqadiisa iyo sida ay ugu wayn tahay isaga.

Wuxuu sawirro ka qaaday furayaasha xabsiga kadib wuxuu u diray saaxiibadiisa WhatsApp-ka. Isagoo u sheegaya inuu hayo dhammaan furayaasha qeybaha xabsiga.

Ficilka uu ku kacay ayaa la aaminsan yahay inuu halis galiyay nolosha 657 maxbuus oo ku jira xabsiga, balse waxaa la sheegay inuusan ku baraarugsanayn in waxa uu sameeyay ay dhibaato ka imaan karto.

Masuuliyiinta ammaanka ayaa caddeeyay in la beddelay 600 oo fure iyo qufuladooda iyadoo laga hor tagayo dhib ka dhalan karay. Dhammaan furayaashii hore ayaa la buburiyay.

Kharashka ku baxay wax beddelida ayaan rasmi loo ogeyn balse khubaradu waxay ku qiyaasayaan €50,000 oo ah lacagta Euro. Ninkii sawirada baahiyay ayaa la eryay xilli uu filayay in shaqaale rasmi ah laga dhigo.

error: Copy lama Ogola Fadlan