Home / Macluumaad / Xaflad Xiritaan oo loo qabtay ardaydii ka qeyb-gashay Tartankii Qur’an aqris.

Xaflad Xiritaan oo loo qabtay ardaydii ka qeyb-gashay Tartankii Qur’an aqris.

Muqdisho – Markii ugu horraysay taniyo markii la aas’aasay idaacadda Himilo ee magaalada Muqdisho, waxaa maanta ay qabatay xaflad tartan xiritaan oo loo qabtay arday gaaraysa 30 kuwaas oo ku tartamay 114 Qur’anka.

Tanina waa natiijada ka dhalatay dhowr 10 cisho oo ardaydani xarunta Idaacadda ku galayeen tartanka kaas oo kusoo af-meermay jawi dagan.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay marti sharaf ay kamid yihiin madaxda ugu sarreeya idaacadda Himilo, guddiga tartanka, macalimiin iyo ardaydii tartamaysay.

Ugu horreynba, waxaa madasha ka hadlay guddoomiyaha Idaacadda, dr Mahdi Maxamed Abukar, kaas oo soo dhaweyn kadib, ugu bishaareeyey in tartankani uusan noqon doonin mid sanadkan un ku ekaada.

“Idaacadda Himilo waxaa ka go’an inay qaado tallaabo kasta oo lagu horumarinayo barashada Qur’anka Kariimka,” ayuu yiri isaga oo mahad celin ballaaran u jeediyay Machadka U adkeysiga Musiibooyinka oo taabba-geliyay tartanka.

Guddoomiyaha Guddiga Tartanka, dr Shire Cali Kabe oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay sameeyeen dadaal kasta oo ay ku hubsan karaan helidda natiijo lagu wada qanco.

“Waxaan qeybiyay waraaqooyin dahsoon oo ay qabsanayeen ardayda kadib wixii usoo baxa ayaan ku galinaynay ardayda, waxaan isku daynay inaan hubsanno kalsoonida ka qeyb-galayaasha,” ayuu yiri Shire isaga oo bogaadiyay dhamaan ardayda iyo macalimiinta sida hufan uga qeyb galay muddadii ay wadeen barnaamijka.

Geesta kale, guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho prof Maxamed Xuseen Ciise oo kamid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay xafladda ayaa xusay sida ay muddaba usoo wadeen qabashada tartan Qur’an oo loo sameynayo ardayda Jaamacadda.

“Waxaan hadda dhow ka imid tartan sanadeed ay Jaamacaddu u qabato ardayda si aan u karaamayno Qur’anka. Waxaana guuleystayaasha siinnaa minxada ay rabaan inay ka bartaan Jaamacadda, ayuu yiri isaga oo aad u amaanay jiilka Soomaaliyeed ee farriinta Ilaahay ku qaaday quluubtooda.

Marka loo eego agaasimaha Idaacadda Himilo, qabashada  tartan Qur’anka kuma dhalan si sahal ah.

“Waxaa jiray baraamijyo dhowr ah oo idaacadda loo soo bandhigay, laakiin waxan ahmiyadda siinnay tartankan,” ayuu yiri. “Waxaan isku dayi doonnaa inaan mar kasta fiiro u yeelanno taabba-gelinta tartamadan oo kale.”

Gabagabadii xafladda waxaa hadyado qaali ah la guddoonsiiyay dhamaan tartamayaasha gaar ahaan saddexdii arday ee kaalmaha hore kala galay.

Kaalinta koobaad waxaa ku fariistay Abdixamid Abdullahi Nuur; waxaa laba iyo saddexna kala galay Sumayo Abdirizak Shiikh Cali iyo Faadumo Abdiraxmaan Muuse.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan