Home / Macluumaad / Xagee ayuu ku nool yahay shabeelka ugu da’da weyn dunida?

Xagee ayuu ku nool yahay shabeelka ugu da’da weyn dunida?

Himilo – Guinness World Records waxay diiwaan gelisay shabeelka ugu cimriga weyn caalamka kaas oo jira 25 sano iyo 319 maalmood.

Shabeelkan ayaa ku jira xarun ku taala dalka India oo lagu xannaaneeyo duur-joogta miciyoodka ah ee u gaarta kale u gaarsada.

“Sida caadiga ah, cimriga shabeelka wuxuu u dhaxeeyaa 12 ilaa 20 sano, balse kuweenna ku nool Bengali waa kuwa ugu da’da weyn.” Qoraal ka soo baxay xarunta Tiger Greek ayaa sidaas lagu yiri.

Gobolka Bengali waxaa loo tix geliyaa goob muhiim iyo badbaado u ah shabeelka noocyadiisa kala duwan gaar ahana kuwa sii dabar go’aya.

“Aad bay farxad noogu tahay in la ogaado inaan haysano shabeelka ugu da’da weyn. Waxaan aad u daryeelnaa shabeelka, shaqaalaheena waxay sii wadayaan baxnaanintooda.”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan