Home / Arrimaha Bulshada / Xaliimo Maxamuud: “Howl baa howl looga tagaa”

Xaliimo Maxamuud: “Howl baa howl looga tagaa”

Himilo – Xaliimo Maxamuud Adan waxaa Eebbe u fududeeyey aqrinta Qur’anka, xilli walba oo aysan macduur lahayn ayey jecleshahay inay aqriso kitaabka.

Waa arday dhigata Madrasad lagu barto Qur’anka waxay ku jirtaa howlgal ay ku doonayso inaysan kaliya gudaha bisha Soonqaad ku xifdinin Qur’anka. “Waxaan doonayaa inaan saddex jeer dhammeeyo Qur’aanka,” ayay u sheegtay radio Himilo.

Maalin walba waqtiyo kamid ah jadwal howleedkeeda, ayay siisaa aqriska Qur’anka. “Waqtiyada salaadaha kaddib sida salaadda subax ayaan u fariistaa aqriska, waxaana u helaa ammin igu filan oo aan ku wada meeriyo.” Ayey sii raacisay.

Waxey rumeysan tahay Xaliima oraahda soomalida ee tiraahda “Howl baa howl looga tagaa”, iyada oo aaminsan in haweeneydu xafido karto sidoo kalena dhammeyn karto qur’aanka mar iyo in ka badan ba iyada oo aan dayaceynin howlaha kale ee u yaalla.

Ma ahan xaliima oo kaliya dadka doonaya in bishan barakeysan ay dhammeeyaan Qur’aanka. Isaaq Cali Maxamed mashquulka badan ee jira kama horjoogsado inuu Qur’anka aqriyo maalin walba, wuxuuna u maraa habraac u fududeyn kara.

“Salaad walba gadaasheeda waxaan u fariistaa inaan juz ama xisib dejiyo, waayo waa habka ugu sahlan oo aad maalin walba ku xaqiijin kartid inaad yoolkaada gaartay.” Ayuu yiri Isaaq.

Bisha Ramadaan waa bishii Qur’anka, waxaana dhacda in siyaabo kala duwan oo qof iyo koox ba leh mar iyo ka badan loo dejiyo 30-ka Jus ee uu ka kooban yahay Qur’aanka.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan