Home / Arrimaha Bulshada / Xalka caruurta ka maseyrta kuwa ka yar ee markaasi dhasha

Xalka caruurta ka maseyrta kuwa ka yar ee markaasi dhasha

Himilo – Kasoo qaad inaad haysato laba caruur ah, midi waa afar jir halka kan kalena yahay kaliya seddax bil jir. Waxaa suuragal ah in midka wayn uu galay xaalad maseyr ah markii uu dhashay midka yar.

Waalidiinta marka ay xaaladaasi ku arkaan caruurtooda waa ay walwalaan, iyaga oo ka walaaca in wiilka/ gabadha afar jirta ah ay dhaawac gaarsiiso cunuga yar.

Hadaba sidee loola dagaalamaa maseyrkaasi, xalka waa kan:

U sheeg cunugaaga afar jirka ah inaad mar waliba jeceshahay, waa macquul inuusan hadalkaaga waxba u tarin, balse waad u muujin kartaa jeceylkaaga. Sidee? Tusaalle soo qaado shumac shidan ka codso in gabadhaada/ wiilkaaga yar shumacaasi kasoo qaado Jaceylkaaga, mid kale soo qaado kana shid kan ifaya. Waxaa hubaal ah kan hore in iftiinkiisu naaqusayo halka kan labaadna uu muddo bixi karo.

Yeelo keyd hadiyado ah, kuwaas oo midba mar aad soo saaran karto. Guddoonsii marka cunuga cusub loo keeno hadiyado, muhiim maaha inay hadiyaduhu yihiin kuwa waa wayn amaba qaali ah ee kaliya waa inuu dareemaa in isuguba yahay qof u qalma hadiyad.

Uga sheekeey faa’iidada uu leeyahay walaalka wayn, tusaalle inuu ku ciyaari karo alaabo waa wayn, uu raaci karo lana soo cunteeyn karo waalidkiis iyo kuwa la midka ah.

Ku dadaal inaad dhisto xiriir quman oo dhexmara, si uu ula falgalo cunuga yar. Haddii uu doonayo inuu kaa caawiyo xanaaneyntiisa, sii fursad uu ku daryeeli karo adiga oo aanan canaanan korjoogteynayana. Markaas u ammaan dabeecadda wanaagsan iyo jaceylka.

Ugu danbeyntii  adiga iyo xaaskaaga amaba seygaaga siiya waqti siman labada caruur, haa wuu weynaaday midkood haddana ogsoonow in mar waliba uu kuu baahan yahay.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan