Home / Madadaalo / Xalka dadka habeenkii qarwa

Xalka dadka habeenkii qarwa

Himilo – Dhacdooyinka argagaxa leh ee ruuxu la kulmo waxey raadeeyaan noloshiisa danbe, iyaga oo ku noqda xusuuso aanan suulin, sida Patrick Skluzaceksaw oo habeennada qaar kusoo qarwi jiray.

Xaaladdiisaasi waxey saameysay taban ku yeelatay wiilkiisa ardayga ah, kaas oo ugu danbeyntii ka fikiray hab uu qarowga kaga joojin karo aabihii. Waxa uu horumariyay hannaan (application) caawinaya aabihiis iyo kuwa la midka ah, kaas oo ku shaqeynaya saacadda gacanta lagu xirto.

Waxaa uu la soconayaa heerka garaacis ee wadnaha ruuxa xiran, markuu siyaado kahor inta uusan banaanka usoo bixin qarowgu, ayuu bixinayaa digniin gariir ah, taas oo qofka ka toosineysa hurdada, si uu dib ugu billawdo mid cusub, sida uu Tyler Skluzacek-muhandaska qalabkan- u sheegay mareegta NPR.

Inkastoo uu isku daygiisu shaqeeyay haddana waxaa lagu arkay cillad ah in xaddi digniin oo badan ay bixineyso, taaso oo aanan ruuxa ku caawineynin inuu si fudud dib ugu billawdo hurdadiisa kana badan xaddigii ku talagalku ahaa.

FDA, hay’adda maamusha cunnada iyo dawooyinka ee Mareykanka ayaa ogolaatay in qalabkan la isticmaali karo ayna adeegsan karaan dadka hurdadu ka qalqasha ee qarwa.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan