Home / Macluumaad / Xaqiiqooyin ku saabsan biyaha

Xaqiiqooyin ku saabsan biyaha

Himilo – Waa dareere waxaase u dheer labo xaal oo kale. Waa noole bile aan laga maarmin. Waayidooda waxaa ku naf waaya kummannaan nafley ah. Waa dawada ugu horreysa uguna muhiimsan dunida. Waan ku abtirsannaa. Nolosha noolaha oo dhan ayaa ku tiirsan, waxaan dhigaalkan idinkula wadaagayaa qaar ka mid ah  xaqiiqooyinka biyaha! 75% oogada dhulka waxaa dul fadhiya biyo. Dhulka waxaa ku jira biyo lagu qiyaasay 366 Quintillion. 97% biyahaas waa dhannaan. 1% ayaa cabbdida ku wacan. 90% biyaha saafiga waxaa laga helaa cirifka koofureed (Antarctica). Helidooda waxaa dunida sannad kasta kaga baxa $260 Bilyan. Saddex meelood laba meel biyaha guryaha waxaa loo isticmaalaa Suuliga (Musqusha). Si guud waxay xaddiga ugu badan lagu bixiyaa waraabka beeraha, warshadaha iyo  Korontada. Biyaha qabow waxay ka culus yihiin kuwa kulul. Halka kuwa kulul ay ka barafoofi og yihiin kuwa qabow. Lafaha dadka 31% waxay ka kooban yihiin biyo. 20% biyaha aan barafka aheyn ee macaan waxay ku jiraan harada Lake Baikal ee Russia. Jirka aadanaha 55-78% waxa uu ka sameysan yahay biyo. Halbeegyada lagu cabbiro biyaha waxaa ka mid ah liitar, Cabidda maalin walba 8 koob oo ah biyaha dhalooyinka, sannadkii waxaa ku baxa $1440. Ku dhawaad 2.2 bilyan oo dad ah ayaan awoodin inay helaan biyo saafi ah. Sagaalkii qofba mid ka mid ah ayaa nasiib u leh biyo nadiif ah. Qaramada midoobey waxay saadaalisay in saddex-meelood laba meel dadka caalamka ay la dersi doonaan welwel biyo ah wixii ka dambeeya 2025. 3.4 milyan oo qof ayaa sannad kasta u dhinta sababo la xiriira biyo. Ku maashoobidda biyaha waxay sababtaa dhimashada qiyaastii 360,000. Waana mid kamid ah sababaha dhimashada lama filaanka. 90% musiibooyinka dabiiciga ah waxay ka dhashaan biyo. Hadalada laga yiri biyaha qaar ka mid ah: Biyuhu waa saaxiibkaaga ugu wanaagsan ee nolosha. Kumannaan ayaa noolaa jaceyl la’aan, balse biyo la’aan maya. Cab biyo nadiif ah la joog caafimaad! Marka ceelashu engegaan ayaan ogaan doonaa qiimaha biyaha. Xasuusnow biyo la’aan waxba ma sameyn kartid. Biyaha nadiifta ah waa dawada ugu horreysa uguna muhiimsan dunida. Webiyadu waa waddo dhaqaaqda kuwaas oo na qaada haddii aan bixid rabno. Haddii koonkan mucjiso ka jirto waa biyaha. Biyo waa laf-dhabarta jirkeenna, dhaqaalaheenna, qarankeenna iyo wanaaggeenna. Cabidda biyaha waxay la macno tahay dhaqidda uur-ku-jirtaada”. Wax walba oo aan cunno waxay u baahan yihiin biyo si sheygaasi loogu sameeyo, tusaale sameynta hal kg oo shukulaato ah waxay u baahan tahay 17 Litar Cubin Meter (M3). Geriga ayaa loo arkaa inuu biyo la’aan noolaan karo muddo dheer. Biyaha waxay leeyihiin saddex xaaladood oo kala ah adke (Baraf), dareere (biyo)  iyo gaas (uumi). Biyaha nadiifta ah ma laha dhadhan iyo ur. Biyuhu waxay ku karaan 100  °C, marka la joogo heerka badda. Waxay ku barafoobaan wixii ka hooseeya 4 °C ilaa -2 °C. Ma jiro wax innooga muhiimsan biyaha marka laga tago Oxygen, ka sokow inay noloshu ku tiirsan tahay waa madadaalo waxaa jira ciyaaro biyaha u gaar ah sida dabbaasha. Biyo la’aan waxaad noolaan kartaa muddo kooban.. Badi dadka Africa maalintii waxay isticmaalaan 7 liitar. Dumarka Asia iyo Africa waxay helidda biyo u lugeeyaan qiyaastii 6 km iyagoo wada culeys ku dhaw 20kg. Maalin walba haweenka dunida 125 milyan oo saacadood waxay kaga baxdaa biyo dhaamin. Ku ag noolaanshaha meel biyo leh sida xeebaha, waraha IWM waxaa laga helaa deggenaan, farxad iyo hal-abuur badan, daraasad ayaa sidaa lagu sheegay. W/Q :- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haaddi) Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan