Himilo – Dhererka Everest waa 8,848 oo mitir, inkastoo weli muran yari ka jiro. Waxaa la cabbiray 1995-kii waana ka ilaa iyo hadda loo badan yahay isticmaalkiisa. Waxay ku taallaa Nepal dhanka koofureed ee xigta xadka China. Dawladda Nepal waxay billowday 2019 inay dib u cabbirto kaddib dhul gariir ku dhuftay. Waagii hore waxaa helay sahan reer galbeed ah sannadkii 1841 waxaa hoggaaminayay Sir George Everest. Waxay jirtaa 60 milyan oo sanno iyo dheeraad. Magaca Everest waxaa loo bixiyay sannadkii 1865. Kami Rita waxa uu haystaa diiwaanka qofka ugu fuulista badan Everest waxa uu tagay dhakada buurta 22 jeer. Dusheeda waxaa ceegaaga baraf.
In ka badan 5,000 oo qof ayaa ku guuleystay inay gaaraan fiinta sarre ee buurta Everest, waxaa ku jiray haweeney 73 jir aheyd, qof aragga la’aa iyo wiil 13 jir American ah. Ilaa 200 oo ruux kuwaa oo isku dayayay tagidda gurada buurta ayaa dhintay kaddib markii ay ka soo dhaceen. Taariikhiyan 100kii qofkba ee fuula buurtan waxaa dhinta afar ka mid ah. Yuichiro Miura oo ka soo jeeda Japan oo 80 jir ahaa ayaa 2013 waxa uu noqday qofkii ugu da’da weynaa ee taga dusha si nabad ahna uga soo degay.
Fuulidda buurtan ugu dheer dunida waxaa ku baxa kharash dhan $65,000. Dhakada marka la saaran yahay biyaha waxay ku karkaraan 71 °C (160 °F). Waxaa looga yimadaa meelo kala duwan iyadoo qofba uu wax ku tago. Waxaaba dhacday in nin uu baaskiil ku tagay buurta Mount Everest. Qashinka yaal Everest waxaa lagu qiyaasay 50 tan, sidaa daraadeed waxay noqotay buurta ugu wasakhda badan caalamka.
Buurta Everest sannad kasta waxay kortaa 0.1576 taako oo u dhiganta 4 mm. Dusha buurta waxaa ka jira qad xawaare sarre leh. Waagii hore waxaa la oran jiray George Everest. Sannadkii 2005-tii, Lammaane u dhashay Nepal waxay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee aroos ku dhigta gubada kore ee buurta. 2013-kii, haweeney kasoo jeedda India oo ku lug wayday tareen ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee laxaad la’ ee fuusha Everest. Socdaalkii ugu gaabnaa uguna degdega badnaa ee lagu koray buurta waxa uu qaatay 8 saac iyo 10 daqiiqo. Dhagxaanta laga helo dusha buurta waxaa la aaminsan yahay inay jireen in ka badan 450 milyan oo sanno. Inta lagu guda jiro xagaaga xaraarrada halkan waxay u dhaxaysaa -20° C (-4° F) iyo -35° C (-31° F).
Everest waxaa dhanka dhererka ku xiga K2, Kanchenjunga iyo Lhotse, dhammaantood waxaa la cabbiray sannaidihii 1953,54, 55, iyo 56. Dalka Nepal, Everest waxaa looga yaqaanaa Chomolungma, oo macno ahaan loola jeedo hooyada buuraha. Fuulidda Everest waa hawl aan sahlaneyn balse bulshada Sherpas waxay u tahay sida booqashada suuqa.
Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haaddi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com