Himilo – Jamhuuriyadda China waxay dhacdaa bariga Asia. Wadarta ballac dhuleedkeeda waa 9,596,960 km labo jibbaaran. Magaalo madaxda qaranka waa Beijing, Shanghai waa tan ugu weyn. Yuan ¥ waa lacagta rasmiga ee laga isticmaalo. Waxaa deris la ah ama soohdin la leh Russia, Mongolia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Afghanistan, Pakistan, India, North Korea, Nepal, Bhutan, Myanmar, Laos, iyo Vietnam, sidaas daraadeed China waa dalka ugu xudduuda badan dunida. Celcelis cimriga dadka waa 75. Dhul beereedka dalka waa 54.7%. tirada dadka wax bartay waa 96.4%. waxaa ku yaal derbiga ugu wayn ee uu aadane dhisay inta la xasuusto (Greal Wall dhererkiisa 21,196.18 km, halka joogiisa yahay 8 Mitir).
China waa dalka ugu dadka badan dunida (in ka badan 1.38 billion oo qof). Geesta kale waa waddanka labaad ee ugu ballaaran ballaca (masaaxada). Waa dalka koobaad ee ugu ciidanka badan caalamka. Halka miisaaniyadda ciidanka lagu bixiyo uu ka galayo kaalinta labaaad. 100 milyan oo ka mid ah shacabka china waxay ku nool yihiin maalinkii wax ka yar hal doollar. Xukunka dilka ee laga fuliyo halkan waxa uu afar jeer ka badan yahay dunida inteeda kale. Sannadkii dadweynaha deggan waxay isticmaalaan 45 bilyan oo ah qoryaha dhuudhuuban ee ay wax ku cunaan. Waa dalka koobaad wax dhoofsiga dhanka kale waa waddanka labaad wax dhoofinta.
Dad ka badan 35 milyan ayaa weli ku nool godad. Ku dhawaad 700 milyan waxay cabbaan biyo aan nadiif aheyn. Mid ka mid ah saddexdii qof ee jooga magaalada Datang waxa uu wataa Sigisaan/sharaabaad. Tennis-ka waa ciyaarta qaranka. Ciyaarta Play-station waxay ka tahay sharci darro. Marka la gaaro 2020 tiro u dhaxaysa 30 ilaa 40 milyan oo rag ah ma heli doonaan xaas. Tani waa natiijo ka timid siyaasad muddo ka jirtay oo qoyska u oggolaaneysa inay hal canug yeeshaan. China waxaa qasab ah in xayawaan lagu tijaabiyo waxyaabaha dumarku isku qurxiyaan ka hor isticmaalka.
China waxaa ku yaal xeryo lagu dabiibo dadka qabatimay internet-ka. Gu’ kasta ku dhawaad afar milyan oo bisad ayaa lagu cunaa.Shaqsiyaadka hoggaamiya shirkadaha haddii lagu helo musuq waxay wajihi karaan dal-dalaad. Kala bar doofaarka dunida waxaa saldhig u ah Shiinaha. Gabdhaha 20 jirada ah ee aan guursan waxaa looga yaqaanaa haraa. Facebook China waxaa u jooga 95 milyan oo macaamiil ah iyadoo ay jirto xannibaad saaran shirkadda. Qiyaastii 600,000 ayaa sannad kasta u dhinta sabab la xiriirta shaqo xad dhaaf ah. waxaa hal-qabsi u ah ‘hadal bariis ma kariyo’. Waa dad shaqo waxay dhahaan ‘Qodo ceel ka hor inta aadan oomin’. Waxaa halkan ka jira sharci sheegaya in qofkii leh waalidiin ka wayn lixdan sanno uusan si joogta ah u booqan Karin.
Dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa waxa uu ku dhuftay 1556, waxaa ku naf waayay 830,000 o qof. Waa halka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee haysta diinta Buddhists (244 milyan). Marka ardayga uu qish sameeyo waxa uu geli karaa 7 sanno oo xabsi ah. Beijing, waa magaalada ugu qaalisan kirada guryaha. Marka laga tago dhismooyinka dhaadheer iyo noloshada sare ee ka jirta magaalada hal milyan oo dad ah ayaa ku nool dhulka hoostiisa. Saddex meelood meel dadka Shiinaha kuma hadli karaan Mandarin, oo ah luuqadda rasmiga ah ee waddanka. Waxaa jira 459 xaafad oo lagu naaneyso xaafadaha kansarka. China waxay ku tilmaaman tahay maal-gelinta waxyaabaha la cusbooneysiiyo. Dadweynaha China Shantii maalinba waxaa ku soo kordha bilyineer/milyineer. Fiidmeerta waxaa loo arkaa astaan nasiib. Murtidooda waxaa ka mid ah magaca wanaagsan waxa uu ka fiican yahay wejiga wanaagsan.
Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haaddi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com / xogdaye@gmail.com