Himilo – Japan waa jamhuuriyad jasiirad ah oo ku taalla bariga Asia. Badka dhulkeeda waa 377,915 km labo-jibbaaran. Waa hoyga 126.8 milyan oo qof. Caasimadda ugu dadka badan uguna wayn waa Tokyo. Lacagta rasmiga ah ee laga isticmaalo waxaa la yiraahdaa Yen (¥) (JPY). Japan waxay xad bad iyo mid berri la wadaagtaa China, jasiiradaha uu sheegto Mareykanka, Philippines, Russia, South Korea, iyo North Korea. Japan waxay xubin ka tahay Qaramada Midoobay, iyo waddamada barwaaqo-sooranka laysku yiraahdo, waxaa loo arkaa awood jirta. Heerka shaqo la’aanta waxay halkan ka tahay 2-4%. Dadka reer Japan waxay shareystaan lambarka 4!
Sannad kasta waxay dhibbane u tahay dhul gariir iska soo dabo noqnoqda. Waxaa laga helayaa dad ka badan 50,000 oo ay da’doodu dhaaftay 100 sanno. Japan waxay ka kooban tahay 6,800 oo jasiirad. Waxay ka mid tahay dalalka aan la gumeysan. Tareenada ugu dheereeya caalamka ayay leedahay. Xayawaanada guryaha lagu rabbaysto (sida bisadaha iyo eyda) waxay ka badan yihiin carruurta qoysaska. Heerka dhalmada ayaa aad u hooseeya. In la jeexo warqadda haddiyada lagu duubo waxaa loo arkaa wax aan wanaagsaneyn. 99% dadka reer Japan wax way qori karaan akhriskuna si lamid ah. Wadarta dhaqaalaha soo gala waxaa lagu qiyaasaa $5,749 Trillion.
Nin u dhashay dalkaas oo ka badbaaday markabkii Titanic waxa loo bixiyay Fulay, sababtuna waxay tahay inuusan ka mid noqon rakaabkii dhintay darteed. 90% taleefanada Japan waxay leeyihiin awood ay is kaga celin karaan biyaha. Japan waxaad ka heli kartaa makhaayad aad saacado qaxwaha kula fiiqsato bisadaha. Inaad ku hurudo goobta shaqada waa la oggol-yahay waxay u arkaan daal ka timid shaqo adag. In loo dhinto shaqo xad dhaaf ah waa ka caadi Dalkan. Celcelis dadka reer Japan habeenkii waxay hurdaan labo saac.
Waxaa qaalib ah inaad la kulanto macallimiin iyo arday si wadajir ah u nadiifinaya fasalada iyo goobaha lagu shaaho. Laamiyo is dul-maraya iyo kuwo ka dhex dusa dabaqyada waa arrimaha ashqaraarka leh ee ka jira. Bisadaha madow waxaa loo tixgaliyaa inay nasiibka soo dabraan (keenaan). Bulshada ugu badan ee Japan ee dibadda degan waxay ku nool yihiin Brazil. Japan waxay ka mid tahay dalalka mamnuucay in makulaalaha (Yaanyuurta) laga siibo miciyaha. Halkan badi waddooyinka magacyo ma laha. Waxaa jira in ka badan 20 hab oo laysku dhaho waan ka xumahay. Celcelis mushaarka qofka ee bishii kaddib canshuurta waa $2,782.
Markii ugu horreysay ee dadka reer Japan ay maqleen codka boqorkooda waxay aheyd markii Japan ay is dhiibtay dagaalkii labaad ee dunida. Kumannaan sanno hilibka noolaha afarta lug leh waxa uu ka ahaa mamnuuc. Waxaa jira matxaf ay yaalaan dhagxaan loo ekaysiiyay wejiyo dad. Haddaad tagto waxaa kuu suura galaysa inaad ka cuntayso hotel shaqaalahiisu yihiin robots (mashiino). Dadka reer Japan ma laha saxiixyo balse qof kasta waxa uu isticmaalaan tiimbare u gaar ah. Haddaad shareysato ama aad ka cabsato shimbirta Guumeysta halkan waxaa jirta makhaayad aan kula shaahayn karto. Dadka soo galootiga dalkan waxay ka yihiin 2%. Waa mid ka mid ah dalalka ugu nabdoon.
Iyadoo horumarkan uu ka jiro Japan haddana sannad kasta waxaa is dila dad lagu qiyaasay 100,000 oo qof iyagoo dhawraya sharaftooda kaddib furriin, shaqo la’aan, imtixaan ku dhicid ama dayn gelid. Marka lays bar bar dhigo dhalmada iyo dhimashada waxaa badan dhimashada. Dhul gariirka waxa uu ka mid yahay mushkiladaha ugu badan ee dalkaasi ka jira tusaale magaalada Tokyo shantii sanaba mar ayay burburtaa inkastoo dadaalkooda uu ku simay inay dhistaan guryo ilaa xad adkaysi u leh dhul gariirka. Japan guul-darradii ka soo gaartay dagaalkii labaad kaddib waxay u weecatay dhanka horumarka dhibkii ku dhacay waxay uga kabatay labo sanno. Dastuurkooda waxaa ku jira inaysan weligood sameyn doonin hub iyo ciidan military ah. Dadka reer japan waa kuwo laysku haleyn karo, daacadnimoku fog tahay, saaxiibnnimo gala, sharciyadana u hoggaansan. Haddiyada ugu wanaagsan ee dalkan laysku siiyo waxaa ka mid ah Miraha.
Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haaddi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com