Home / Macluumaad / Xaqiiqooyin ku saabsan keynta Amazon

Xaqiiqooyin ku saabsan keynta Amazon

  • Amazon waa keynta ugu weyn caalamka, waxay ku fadhisaa 5.5 milyan km labo jibbaarab. dhul ahaan waxay ka wayntahay UK iyo Ireland 17 jeer.
  • Amazon waxay dhacdaa koofurta America, waxay ku fidsantahay dalalka Brazil, Bolivia, Peru, Ecuador, Colombia, Venezuela, Guyana, Suriname iyo French Guiana.
  • Webiga Amazon ee dhaxmara kaymaha Amazon waa weabiga labaad ee ugu dheer caalamka, cabbirkiisu waxa uu gaarayaa 6,840km, keliya waxaa ka dheer webiga Nile.
  • Qiyaastii 400-500 dadka asalkoodu ka soo jeedo America waxay ku noolyihiin kaymaha Amazon, waxaa la rumeysan yahay shan meelood dadkaasi inaysan weligood kaynta ka soo bixin, dadka ka baxsanna lama macaamilaan.
  • Amazon waxaa ku nool malaayiin nooc oo noole ah iyo 40,000 oo geed oo kala nooc ah, 1,3000 shimbiro ah iyo 3,000 oo nooc oo kalluun ah, iyo malaayin cayayaan ah.
  • Kaymaha Amazon xiriiriyaan sagaal dal, dalka tirada ugu badan ka heysta waa Brazil oo kaymaha ka haysta 60% halka Peru ay ka sheegato 13% iyo dalalka kale oo boqolkiiba toban ka haysta.
  • Sida ay aaminsan yihiin taariiqyahanada kaymaha Amazon waxay soo jireen 55 milyan oo sanno ka hor.
  • Saddex meelood hal kamid ah noolaha duniga waxaa laga helaa kaymaha Amazon.

W.Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan