Home / Macluumaad / Xaqiiqooyin ku saabsan webiga Nile

Xaqiiqooyin ku saabsan webiga Nile

Himilo – Nile keliya ma ahan webiga ugu dheer Africa sidoo kale waa wabiga ugu dheer caalamka. Dhererkiiua wuxuu gaarayaa 4,000 oo miles, webigani waxa uu muhiim u yahay Africa kumanaan sanno illaa iyo maanta

Halkee ayuu dhacaa wabiga Nile?

Nile waxa uu maraa qaarada Africa, waxa uu ka bilowgaa dalka Burundi, oo ku yaal bartamaha Africa, waxa uu u hooraa waqooyiga bari ee qaarada waxa uu isugu ururaa dalka Masar halkaa uu badda Mediterranean uga darsamo.

Wabiga Nile waxa ay ishiisu ka soo bilaabataaa dalka Burundi gaar ahaa webiga Kagera. Kagera waxa uu biyaha ka helaa buuraha barafka ee ku hareereysan waxa uuna ku daraa harada ugu weyn Africa, Victoria.

Xayawaanada ku nool webiga Nile waxaa ka mid ah Yaxaaska, diinka, daanyeerada nooca waaweyn iyo 300 oo nooc oo shimbiro ah.

Maxay tahay sababta uu webigan muhiim ugu yahay Masar iyo dalalka kale ee uu maro ?

Masaarihiii hore la’aanta webiga Nile ma aysan jiri laheyn, noloshooda ayaa ku xirneyd, masaaridii hore waxa ay webigan u isticmaalijiyeen marka laga soo tago cunada iyo biyaha, safarka ay isaga kala gudbaan magaalooyinka.

Dalalka sida weyn uga faa’iideysta Nile waxaa ka mid ah Masar, Ethiopia, Sudan iyo Burundi.

Isha ugu weyn ee webiga Nile waa harada Victoria. Biyaha webiga iyo ciidda qaniga ah ee hareeraha webiga la’aanteed masar waxay ahaan laheyd dhul lamadagaan ah oo lagu dhibaatoodo ilbaxnimada dunidana aan lagu arkin.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan