Home / Macluumaad / Xaqiiqooyinka ku dahsoon qaaradda Afrika.

Xaqiiqooyinka ku dahsoon qaaradda Afrika.

Muqdisho – Qaaradda Afrika waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 1.1 bilyan ama 15% tirada dadyowga caalamka. Waxayna ka kooban tahay 54-55 dal. Bulshooyinka ku nool waxay wadaagaan magaca guud ee Afrikaan.

Diinta Islaamku waa midda ugu ballaaran oo ay heystaan ku dhawaad kala bar dadka qaaradda Afrika. Lacagta laga isticmaalo waxay gaaraysaa ilaa iyo 54 oo dal walba uu gaarkiisa u adeegsado. Lacagta Kwacha ee dalka Zambia waa midda ugu adag qaaradda Afrika.

Dalka Aljeeriya waa midka ugu weyn dalalka qaaradda. Badka ay ku fadhiso waxaa lagu qiyaasaa 11.7 milyan oo wareeg ah.

Afafka ama luqadaha looga hadlo waxay gaarayaan 1,250 ilaa 2,100 luqadood.

Waxaa lagu rumeysan yahay inay ku nool yihiin qabaa’ilo lagu qiyaasay 3,000.

Saxaraha Afrika waa midka ugu ballaaran adduunka. 90% cudurka Malaariyada ama Duumada wuxuu ka jiraa Afrika. Sidoo kale, waxay hoy u tahay webiga ugu dheer adduunka.

Harada Assal waa barta ugu hooseysa dhul ahaan qaaradda Afrika. Xayawaanka Jeerta waxay dishaa dad ka badan tirada ay dilaan Libaaxyada iyo Yaxaaska.

Sanadkii 1950-kii, dalka Liibiya ayaa noqday waddankii ugu horreeyey ee xurnimadiisa ku dhawaaqay.

Xigasho – Facts.net.

 

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan