Home / Macluumaad / Xariirka ka dhaxeeya Siyaasadda Soomaaliya iyo baraha bulshada

Xariirka ka dhaxeeya Siyaasadda Soomaaliya iyo baraha bulshada

Himilo – Waxaynu ku nool nahay duni ay tiknoolojiyadu beddeshay habkay dadku u wada xiriiraan. Shabakadaha Bulshadu ay farriimaha iskugu gudbiyaan sida Facebook, iyo Twitter,  ayaa ah Kuwo isku xidhay Malaayiin Qof Oo dunida dacaladeeda kala Jooga. Kuwaas oo sahlay in si Fudud Loo wadaago, Loona Ogaado waxyaabaha Dunida ka socda, Ama Ka Dhaca.

Sida inaad Farriin ka dirto Mobile-kaaga, ama aad war-bixin ku qorto bogagga kuu  Gaarka ahee Baraha Bulshada, si aad asxaabtaada ugu sheegto Xaaladaada, uguna Gudbiso, Aragtidaada, ulana wadaagto waxyaabaha aad qabanayso Noloshaada sida ay sameeyaan dadka qaarkood.

Baraha Bulshada waxay u sahleen dadka, inay taleefan u diraan ehelkooda ka fog, Taas oo lacag qiimeheedu aad u hoosayso kaga baxdo, dadkuna ay kaga raysteen shirkadihii isgaar-siinta oo iyaguu qaadan jiray lacag qadarkeedu aad u sarrayso Marka la bar bar dhigo. Waxa Intaa Dheer, Baraha bulshada waxay Fududeeyeen inaad Barato Asxaab badan oo dunida dacaladeeda kala joogta.

Maalinba Maalinta Ka Dambaysa waxaa badanaysa Tirada Dadka adeegsada Baraha bulshada, Aad baanay u sii kordhaysa, waxaa taa ka maqnayn in ay jirto Casriyeyn lagu sameynayo Baraha Bulshada, si ay dadku ugu isticmaalaan si fudud, ugalana kulmaan waxyaabo cusub oo xiiso geliya.

Malaayiin Qof ayaa Hada isticmaala, Waxaanay leeyihiin Qolol u gaara, oo ay Asxaabtooda kula wadaagaan, Muuqaalo, Sawirro, Qoraallo, Aragtiyo, iyo Waxyaabaha ay qabanayaan Noloshooda.

Waxa Jira Dad badan oo dunida Magac ku yeeshay, Baraha Bulshada awgood, sida dad iyagu aan Caan ahayn markii Hore, Balse Horumar ay ku sameeyeen habka ay wax ugu soo gudbiyaan Baraha bulshada ay raali galisay dad badan, una sahashay inay ku xidhnaadaan barahooda, Kumanaan-Kun Qof oo dad ah,  oo Xiiseeyaana.

Waxa iyaguna Jira boqolaal kun, oo Qof oo ku Xiran Bogogga Baraha Bulshada, kuwaas oo la socda, warbixinada ay bogaggaasi soo gudbiyaan, sidoo kale waxa jira iyaguna Boqolaal kale oo ku xiran, Dad caan ka ah dunida, oo la socda waxyaabaha ay dadkaas caanka ahi qabanayaan.

Dhanka Soomaaliya isticmaalka baraha bulshada waxa uu soo xoogeystay 10-kii sanno ee ugu dambeeyay dadku waxay ku wadaagaan aragtiyada iyo macluumaadka laxariiro deegaanadooda.

Barah bulshadu waxay dowr weyn ku leeyihiin jaanjownta iyo habsami socodka siyaasadda Soomaaliya. Waxaa jira dhalinyaro badan oo xukumka markaa dalka ka jira ku difaaca baraha bulshada iyo koox kale oo mucaaradnimadooda u adeegsado social media.

Waxaa si cad loogu baahiyaa qoraalo lagu difaacayo dowlada iyo kuwo lagu dhaliilayo oo ay isway-daarsanayaan dhinacyada siyaasadda ku kala aragti duwan. Soomaaliya isticmaalka Baraha bulshada waxaa dhanka kale loo adeegsadaa sumcad dilka siyaasiinta iyo dadka bulshada magaca ku dhax leh. waxaa dhacda in lagu gudbiyo macluumaad aan sax aheyn ama kala dhiman iyo hadalo la jar jaray oo qaab kale loo rogay.

Inkastoo ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo qaabka ay isku saameeyaan baraha bulshada iyo siyaasadda Soomaaliya hadana waxaa jira waaya joog badan oo aan arrintaa dhib u arkin iyagoo barbar dhigaya xilli dadka aragtida siyaasada ku kala duwan ay isku adeegsan jireen hub si ay u kala guuleystaan.

W.Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan