Home / Macluumaad / Xeebaha Brazil oo dib loo furayo balse loo oggol yahay keliya dadka uu ku dhacay COVID-19

Xeebaha Brazil oo dib loo furayo balse loo oggol yahay keliya dadka uu ku dhacay COVID-19

Himilo – Inta badan goobaha dabiiciga ee xeebaha Brazil ayaa albaabada loo laabay sabab la xiriirta safmarka coronavirus, iyada oo hadda dib loo furayo shan bilood kaddib, balse keliya waxaa loo furayaa kuwa uu ku dhacay COVID-19.

Masuuliyiinta gobalka Pernambuco ee dalkaasi ayaa sheegay in la furayo goobaha dabiiciga ee Fernando de Noronha archipelago, taasi oo ka kooban 21 jasiirad, waxayna isku diyaarinayaan in loo oggolaado booqdeyaashu markii ugu horreysay tan iyo bartamihii March markaasi oo uu safmarkan aad u faafayay.

Guilherme Rocha oo ah guddoomiyaha gobalka ayaa sheegay in kuwa soo booqanaya badaha lagu aqbalayo hab online ah, balse ay waajib tahay in iyagu uu haleelay COVID-19.

Rocha waxa uu intaasi hadalkiisa raaciyay in dalxiisayaashu waajib ku tahay in cudurku hayay ugu yaraan 20 maalin ama uu jirkoodu kasoo muuqanayo calaamadaha COVID-19.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan