Dhowr toddobaad oo uu garoomada dhaawac kaga maqnaa ka dib, xiddiga Barcelona ayaa tababarka buuxa ku soo laabtay maanta oo arbaca ah, inkastoo laga yaabo in aanan uu taam u noqon xulashada koobaad.
Lionel Messi ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee Barcelona arbacada maanta ah, ka dib seddex isbuuc oo uu dhaawac muruqa ah la maqnaa.
Ka dib xiligaan oo ay lix dhibcood lumiyeen intii uu maqnaa Messi ,Waxa ay muujinaysaa in Argentina ay u baahan tahay usoo laabashada Kabtankooda.
Weeraryahanka Argentina ayaa soo gaaray dhaawac bishii la soo dhaafay ee barbaraha 1-1 la galeen Atletico Madrid kooxdiisa Barca.
Laakiin Barca ayaa xaqiijiyay in 29-sano jir kaan uu ku soo laabtay tababarka Ciutat Esportiva , inkastoo kooxda ay doonayso in uu si buuxda taam ugu noqdo.
kooxda Luis Enrique ayaa la ciyaaraya Deportivo La Coruna LaLiga maalinta sabtida ah, iyo sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen Samuel Umtiti oo ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac jilibka oo uu la maqnaa