Home / Habka-Nolosha / Xiddiga Chelsea Willian oo doonaya inuu dheelo labada Copa Amerika iyo Olombikada

Xiddiga Chelsea Willian oo doonaya inuu dheelo labada Copa Amerika iyo Olombikada

Garabka Chelsea Willian ayaa carabka ku dhuftay in xagaagan uu quuddareynayo u metelidda qarankiisa cayaaraha Cope Amerika iyo Olombikada oo lagu qaban doono magaaladda Rio.

27 jirkaan ayaana rajeynaya in kooxdiisa Blues ay heshiis la gaarto Xiriirka Kubadda Cagta Brazil si xiddigu waajibaadkiisa qaran uu u oofsado.

“Qof walba wuu ogyahay doonisteyda ah inaan labada koob cayaaro,” Willian ayaa ugu xog waramay ESPN Brazil.

“Laakiin dabcan ma dooneyno inaan Chelsea la dagaalanno oo aan xaalad adag gelino, sidoo kale ma dooneyno inaan ka hornimaad xiriirka kubadda cagta Brazil.” ayuuna warkiisa raaciyay laacibku.

Willian 10 gool ayuu Chelsea u dhaliyay xagaagan dhammaan tartamada.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan