Home / Cayaaro / Xiddiga Danny Rose oo laga doonaya garoonka Vicarage Road
LONDON, ENGLAND - AUGUST 04: Danny Rose of Tottenham Hotspur applauds the fans during the 2019 International Champions Cup match between Tottenham Hotspur and FC Internazionale at Tottenham Hotspur Stadium on August 04, 2019 in London, England. (Photo by Dan Istitene/Getty Images)

Xiddiga Danny Rose oo laga doonaya garoonka Vicarage Road

Himilo – Kooxda Watford ayaa lasoo werinayaa inay goor dambe u dhaqaaqday in Danny Rose kala soo wareegto kooxda Tottenham Hotspur maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga.

29-sano jirkan ayaa laga reebay safarkii kooxda Tottenham ay ku tagtay Asia horaantii xagaagan si ay “ugu fududaato fursadaha kooxaha kale”, iyadoo macalin Mauricio Pochettino uu doonayo inuu dib u habayn ku sameeyo xulkiisa daafaca.

Spurs ayaa ka cago jiidaysa inay fasaxdo Rose maalinta ugu dambeysa ilaa ay ka helayaan bedelka xidigan, inkastoo Ryan Sessegnon la fahamsan yahay inuu qarka u saaran yahay inuu kaga soo biiro Fulham. Haddii heshiiskaas uu dhaco markaas ka dib Daniel Levy wuxuu ogolaanayaa bixitaankiisa ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Rose, kaasoo lagu qiimeeyo ku dhawaad ​​25 milyan ginni.

Daily Mail ayaa werinaysa in Watford ay ku riixayso inay dhameystirto heshiiska ka hor maanta oo ay tahay waqtiga ugu danbeysa suuqa, si la mid ah Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale xiiseyneysa.

 Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa heysata ilaa iyo 2da September inay la soo wareegaan ciyaartoy, taasoo la micno ah inay Tottenham weli iibin karto Rose ka dib marka uu xirmo suuqa Ingriiska.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan