Himilo – Sida ay ku warameyso warbaahinta Spain ee Sport, kooxda Barcelona ayaa heshiis la gashay khadka dhexe ee Liverpool ninka lagu magacaabo Gini Wijnaldum. 29-jirkaan waxaa qandaraaskiisa hadda ee Reds kaga haray wax ka yar hal sanno, iyada oo labada dhinac aysan isku fahmin wax heshiis kordhin ah.
Barcelona ayaa u baahan weeraryahanno xagaagan, waxay u tahay faa’iido haddii ay laacibkan lasoo saxiixdaan, waxay warbixinnadu sheegayaan in kooxda Catalan aysan rajeyneynin in ay ku dalbato wax ka badan €20 milyan oo Yuuro, haddii ay Liverpool cunaqabateyn ku sameyso dhaqaaqitaankiisa isbuucyada soo aadan.
xiddiga xulka Holland ayaan rumeysneyn in uu ka tegayo halkaasi, balse warbixinnadu waxay sheegayaan in wadashaqeyn ku dhex mari karto Barcelona isaga iyo Ronald Koeman, maadaama labada shaqsi uu xiriirkoodu yahay mid wanaagsan kuwaasi oo si wadajir qeyb iskala ahaa xulka qaranka Netherlands.