Home / Cayaaro / Xiddigaha sida bilaashka ah ku bixi kara sanadka dambe oo koox laga sameeyay

Xiddigaha sida bilaashka ah ku bixi kara sanadka dambe oo koox laga sameeyay

Himilo – Ciyaartoy badan oo caan ah ayaa awoodi doona inay ka tagaan naadiyada gabi ahaanba  2022. Paul Pogba, Kylian Mbappe iyo Antonio Rudiger ayaa ka mid ah kuwa tagi kara.

Wax ka yar 8 bilood ayaa ka harsan ilaa qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan Yurub si ay u arkaan qandaraaskooda oo dhamaanaya, taasoo la micno ah inay toddobaadyo ka harsan yihiin inay si xor ah ula xaajoodaan kooxaha dibadda.

Xilli ciyaareedkan ayaa ah mid xiiso gaar ah leh, iyadoo magacyo waa wayn aanay weli qalinka ku duugin heshiis cusub. Aynu eegno  shaxda kuwa -bilawga ah iyo kaydkoodaba xiddigaha sida bilaashka ah ku baxaya.

Goolhaye- Hugo Lloris (Tottenham)

Goolhayaha ku guuleystay Koobka Adduunka Hugo Lloris  ee 34-sano jirka ah wuxuu u dabaaldegi doonaa 10 sano isagoo ciyaaryahan Spurs ah sanadka soo socda, laakiin wuxuu xusi karaa guushaas isagoo kooxda ka tagaya xagaaga.

Qandaraaska kabtanka kooxda Tottenham ee £100,000 todobaadkii waxa uu dhacayaa dhamaadka bisha June.

Daafaca Midig – Juan Cuadrado (Juventus)

Ciyaaryahanka reer Colombia, kaasoo lixdii sano ee ugu dambeysay ku ciyaarayay Turin, ayaa tan iyo xagaagii kula jiray wadahadalo qandaraas cusub oo labo sano ah oo uu ku sii joogayo Juventus, laakiin weli xal lagama gaarin.

Daafaca dhexe – Antonio Rudiger (Chelsea)

Sannadkan waxa uu u ahaa mid lagu xasuusan karo ciyaaryahanka Chelsea ee Antonio Rudiger ciyaar wanaagsan.

Daafaca reer Germany ayaa waxaa Stamford Bridge ku musaafuriyay Frank Lampard ka hor inta aan la cayrinin halyeeyga England iyo Chelsea bishii Janaayo. Laakiin ka dib magacaabista ninka ay isku waddanka yihiin ee Thomas Tuchel, arrimuhu mar kale ayay  socdaan.

Heshiiska Rudiger waxa uu dhacayaa dhamaadka bisha June, bandhigyadiisa ugu dambeeyay ayaa soo jiitay indhaha Real Madrid, Bayern Munich iyo PSG

Daafaca dhexe – Niklas Sule (Bayern Munich)

Niklas Sule ayaa fure u ahaa Bayern Munich xilli ciyaareedkan, Laakiin xaalada qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka lama xalin, iyadoo Bayern ay weli sii dareemayso saameynta cudurka coronavirus ee dhaqaalaha kooxdooda.

Iyadoo 26 jirkaan qandaraaskiisu uu sii dhamaanayo, waxaa isa soo taraya wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in daafaca dhexe uu aadayo Premier League,

Daafaca bidix – Cesar Azpilicueta (Chelsea)

Daafaca reer Spain Cesar Azpilicueta waa daafac kale oo Chelsea ah oo mustaqbalkiisa Stamford Bridge uu yahay mid aan la hubin.

32-sano jirkaan ayaa u dabaaldegi doona 10-sano isagoo Blues ah sanadka soo socda, xilli kabtanka haatan uu kor u qaaday Premier League labo jeer, FA Cup hal mar, Champions League iyo Europa League midkiiba hal jeer.

Laakiin soo ifbaxa daafacyada da’da yar ee Chelsea Reece James iyo Trevoh Chalobah ee daafaca dambeedka iyo daafaca dhexe waxay la macno tahay in Azpilicueta aan looga baahnayn Stamford Bridge.

Khadka dhexe – Paul Pogba (Manchester United)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford ugu yaraan labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo wakiilkiisa Mino Raiola uu si joogto ah u sheegayo rabitaanka macaamiilkiisa ee ah inay u baxaan tartan cusub.

Pogba ayaa ku jira sanadkii lixaad iyo kii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa,inkastoo uu diiday hal qandaraas oo United ah xagaagii hore.

Khadka dhexe – Franck Kessie (AC Milan)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ivory Coast Franck Kessie ayaa ah wadnaha kooxda AC Milan oo dib ugu soo laabaneysa heerka sare ee kubada cagta Talyaaniga.

Qaab ciyaareedka 24-sano jirkaan ee bartamaha ayaa ka dhigay mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Serie A – bandhigiisa ayaana soo jiitay indhaha kooxaha ugu caansan Yurub.

Heshiiska Kessie ayaa dhacaya dhamaadka xilli  ciyaareedkaan, waxaana kooxaha sida Manchester United, Liverpool iyo Tottenham dhamaantood lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Ivory Coast.

Garabka Midig – Ousmane Dembele (Barcelona)

Barcelona waxa ay samaysay dhowr qalad oo qaali ah oo suuqa kala iibsiga ah sanadihii lasoo dhaafay, laakiin waayida Ousmane Dembele waxa ay noqon doontaa mid ka mid ah ganacsigii ugu xumaa ee taariikhdooda.

Dembele ayaa afar sano ka hor ugu soo dhaqaaqay Nou Camp adduun dhan 124 milyan oo gini laakiin haatan si bilaash ah ayuu ku bixi karaa dhamaadka ololahan iyada oo Manchester United iyo Liverpool ay ka mid yihiin kooxaha xiisaynaya.

Waxa aan caawin Barcelona ama garabka reer France ayaa ah dhaawacyo soo jireen ah.

Weerar yahanka khadka dhexe – Paulo Dybala (Juventus)

In Cristiano Ronaldo la fasaxo ma ahayn go’aan sahlan oo ay Juventus gaadhay, balse mid ka mid ah sababaha uu u sheegay inay sare u qaadayso fursadaha ah in Paulo Dybala lagu xidho qandaraas cusub.

Weeraryahanka reer Argentine ayaa mar kale muujiyay muhiimada uu u leeyahay Marwada Duqda ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 6 gool 11 kulan oo uu ciyaaray isaga oo isku dayaya in uu buuxiyo booska uu banneeyay weeraryahanka Man United ee Ronaldo.

Haatan Dybala waxa uu qandaraaskiisu ku kacayaa 10 milyan ginni sannadkii, iyadoo wararka ka imanaya Italy ay sheegayaan in wadahadalladii u dhexeeyay Juventus iyo No 10-ka  ay xumaadeen sababtoo ah kooxda reer Talyaani ayaa ku yaboohday wax ka hooseeya tiradaas.

Garabka Bidix – Lorenzo Insigne (Napoli)

Sidoo kale sanadkan waxa uu u ahaa mid dahabi ah ninka  Napoli iyo Italy Lorenzo Insigne.

30-sano jirkaan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ololihii guusha ee Euro 2020 ee Italy, wuxuuna haatan qeyb ka yahay kooxda Napoli oo haatan hoggaamineysa horyaalka Serie A ka dib markii uu si qurux badan ku bilowday macalinka cusub ee Luciano Spalletti.

Laakiin dhibaatada keliya ee jirta ayaa ah in tani ay noqon karto xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee kooxda Napoli, si la mid ah wuxuu billaabay inuu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku hanto hanashada horyaalka.

Insigne ayaa Napoli u dhaliyay shan gool afarna caawiye ka ahaa xilli ciyaareedkan laakiin heshiiskiisa ayaa sii dhamaanaya,

Weeraryahan – Kylian Mbappe (PSG)

Xiddig kale oo Faransiis ah, Kylian Mbappe ayaan qarsanin rabitaankiisa ah inuu ka tago Paris Saint-Germain, isagoo bixiyay labo wareysi oo qarxay horraantii xilli ciyaareedkan halkaasoo uu ku sheegay inuu doonayo inuu isaga tago naadigiisa.

Real Madrid, oo soo bandhigtay dalabyo gaaraya 137 milyan ginni iyo 154 milyan ginni intii lagu jiray suuqii ugu dambeeyay, ayaa aheyd meesha uu ka doorbiday laakiin 22 jirkaan ayaa haatan la jooga kooxda reer France inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Inkastoo Real ay ku kalsoon tahay inay isku daydo saxiixa Mbappe sanadka soo socda, hadana waxaa jira dareen ah inaan waxba la xukumi karin iyadoo PSG ay diiday inay ka quusato inuu saxiixo qandaraas cusub.

Beddelka keydka u fadhiya

Keliya maahan Mbappe kan ka tagi kara PSG xagaaga soo socda, iyadoo Angel Di Maria uusan weli saxiixin heshiis cusub marka uu qandaraaskiisa haatan dhamaado 2022.

Dhanka kale, Alexandre Lacazette ayaa mar kale ku qasbay inuu ku biiro kooxda Arsenal laakiin 30 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa laga yaabaa inuu ka tago Emirates Stadium marka uu dhamaado heshiiskiisa.

Si la mid ah Paul Pogba, Jesse Lingard ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester United haddii waqtigiisa uusan fiicnaan ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa June.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Man United Henrikh Mkhitaryan ayaa sidoo kale u baahan in uu Jose Mourinho ku qanciyo in uu u qalmo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Roma.

Dhanka Spain, Real Madrid waxa ay ku waayi kartaa Gareth Bale, Luka Modric iyo Isco xagaaga soo socda – inkastoo dhammaan seddexda ciyaaryahan ay dalban doonaan mushahar weyn.

Dhanka kale, xiddiga Atletico Madrid Luis Suarez iyo Ivan Perisic oo Inter Milan ka tirsan ayaa ah ciyaartoy kale oo qandaraaskoodu dhacayo 2022.

W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan