Himilo – Iyadoo koobka adduunka uu soo dhawaaday ciyaartoyda kubbadda cagta qaar badan ayaa ku faraxsan joogitaankooda sanadka soo socda ee tartanka. Nasiib darro, Ciyaartoyda ugu qiimaha badan sida la og yahay waxa ay seegi doonaan koobka aaduunka 2022. Taageerayaasha kubbadda cagta ayaa u rajeeyay ciyaartoydan inay ka qaybgalaan tartanka Koobka Adduunka sannadka soo socda laakiin dalalkooda ayaa ku guuldareystay inay u soo baxaan tartanka.
Ciyaartoydaas waxaa ka mid ah;
1. Erling Haaland
Ciyaaryahanka ugu qiimaha badan, Erling Haaland ayaa ka maqnaan doona tartanka koobka adduunka 2022. 21 jirkan u ciyaara xulka qaranka Norway iyo kooxda Borussia Dortmund oo haatan lagu qiimeeyay 150 milyan euro ayaa seegi doona tartankan sababtoo ah xulka qaranka Norway ayaa ku guul daraystay in ay u soo baxaan tartanka.
2. Jan Oblak
Goolhayaha 28 jirka ah ee Atletico Madrid iyo xulka qaranka Slovenia ayaa seegi doona tartanka xilli Slovenia ay ku guuldareysatay in ay u soo baxdo tartanka. Oblak waxa lagu qiimeeyaa €70 million.
3. Milan Skriniar
26 jirkaan xulka qaranka Slovakia iyo kooxda Inter Milan ayaa lagu qiimeeyaa 60 milyan oo euro. Slovakia ayaa ku guuldareysatay inay u soo gudubto tartanka.
4. Frank Kessie
Frank, oo 24 jir ah ayaa u ciyaara Cote D’Ivoire iyo Ac Milan isagoo ah khadka dhexe. Waxaa lagu qiimeeyaa €55 milyan. Cote D’Ivoire ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartanka.
5. Wilfred Zaha
29 jirka garabka ka ciyaara ee Cote D’Ivoire iyo Crystal Palace ayaa lagu qiimeeyaa 45 milyan.
6. Edmond Tapsoba
Edmond ayaa ka maqnaan doona tartanka maadaama Burkina Faso ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartanka. Si kastaba ha ahaatee, xulka qaranka Burkina Faso iyo daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen ayaa lagu qiimeeyaa 40 milyan oo Yuuro.
7. Martin Odegaard
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Norway iyo Arsenal oo 22 jir ah ayaa lagu qiimeeyaa 40 milyan oo Yuuro. Norway ma aysan u soo bixin tartanka.
8. Nicholas Pepe
Pepe ayaa lagu qiimeeyaa €35m. Waxa uu u ciyaaraa kooxaha Arsenal iyo Cote D’Ivoire isaga oo ka ciyaara garabka midig.
9. Naby Keita
Keita waa 26 jir u ciyaara Guinea iyo Liverpool isagoo ah khadka dhexe. Waxaa lagu qiimeeyaa €32 milyan. Ciyaaryahanka qadkaDhexe ayaa maqnaan doona maadaama Guinea ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartanka.
10. Sebastian Haller
27 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa u ciyaara Cote D’Ivoire iyo Ajax. Waxaa lagu qiimeeyaa €27 milyan.
W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud