Muqdisho – Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Eden Hazard ayaa sheegay in uusan u qalmin inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.
Hazard ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii Belgium ee ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Koobka Adduunka ee kusoo dhamaaday Russia, qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ayaana xilli ciyaareedkan ka dhigtay in uu dhaliyo sideed gool 14 kulan oo uu u saftay Chelsea.
Waxaa loo magacaabay liiska xiddigaha u tartamaya Ballon d’Or sannadkan,laakiin Hazard ayaa aaminsan in uusan filaneyn in uu ku guuleysanayo abaalmarinta.
“Inkastoo aan sannad wanaagsan haystay, waa in aan cagahayna saarnaa dhulka.Uma qalmo Ballon d’Or. Waxaan qabaa inay jiraan ciyaartoy iga fiican anniga “ayuu Hazard u sheegay RTBF.
“Waxaan dhihi lahaa Luka Modric,laakiin waxa uu sameeyay liidasho tan iyo August ama September, sidaasi darteed haddii aan tixgelino bilowga xilli ciyaareedkan, waxaan dhihi lahaa Kylian Mbappe.
“Hankeygu ma ahan in aan ku guuleysto Ballon d’Or,waa in aan sameeyo madadaallo weyn oo garoonka dhexdiisa ah,haddii aan maalin ku guuleysto,waa mid wanaagsan,haddii aan ku guuleysan,ma ahan wax dhibaato ah”.
Ku guuleystaha jaa’isada Ballon d’Or ee 2018 ayaa loogu dhawaaqi doonaa Paris Seddexda December.
Isha: eir sport