Home / Habka-Nolosha / Xiddigga ugu wanaagsan dunida oo caawa lagu caleema saarayo London

Xiddigga ugu wanaagsan dunida oo caawa lagu caleema saarayo London

Muqdisho – Waxa ay saacado inaga xigaan bilowga xaflada lagu shaacin doono xiddiga ugu fiican adduunka abaalmarinta uu bixiyo xiriirka kubada cagta adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA, taas oo ay ku tartamayaan xiddigaha Ckala ah ristiano Ronaldo, weeraryahanka kooxda Juventus, Mohamed Salah, garabka kooxda Liverpool iyo Luka Modric, khadka dhexe ee kooxda Real Madrid.

Xiddigaha utartamaya abaalmarinta ayaa fursad isku mid ah u haysta ku guulaysiga abaalmarintan marka loo eego qaab ciyaareedkoodii xilli ciyaareedkii hore markaas oo uu Mohamed Salah ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League kooxdiisana geeyay finalka koobka Champions League, halka uu Modric oo ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta kooxdiisa Real kula guulaystay champions League, sidoo kale xulkiisa Croatia geeyay finalkii koobkii adduunka halka uu Cristiano Ronaldo soo galayo tartanka abaalmarintan isaga oo ah gool dhaliyaha tartankii champions League.

Xaflada ayaa dhici doonta Caawa oo ku beegan 24 bisha September iyada oo bilaabmi doonta 8:00 Habeenimo saacada geeska Africa iyada oo lagu qaban doono magaalada Lodnon markii 3-aad oo xiriir ah.

Xafladan ayaan kaliya lagu bixin doonin xiddiga ugu fiican laakiin waxa lagu bixin doonaa Abaalmarino kale oo ay ka mid yihiin xiddigada ugu fiican dhanka dumarka tababaraha ugu fiican dhanka raga iyo waliba dhanka dumarka oo lagu daray abaalmarinta goolka ugu fiican sanadka iyo abaalmarino kale oo badan.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaalmarintan labadii sano ee ugu dambaysay isaga oo ka horeeya xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi kaas oo aan markan ku jirin tartanka.

About Ahmed Haaddi

3 comments

  1. sustinex bactrim dose para gatos When Les Miles brought Cam Cameron on as his new offensive coordinator, he surely hoped that it would do such wonders for quarterback Zach Mettenberger priligy side effects

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan