Himilo – Weeraryahankii hore ee Inter Milan iyo Blackburn Hakan Sukur ayaa hadda Uber ugu shaqeeya darawalnimo gudaha Mareykanka ka dib markii laga soo masaafuriyay dalkiisa hooyo ee Turkiga.
Ninka siddeeda jeer Super Lig kula guuleystay Galatasaray, weeraryahankii hore ayaa naftiisa ku qoray buugaagta taariikhda isagoo dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa abid ee Koobka Adduunka, 2002.
Goolkii uu dhaliyay, waxa uu dhaliyay kaliya 10.8 ilbiriqsi ka dib waxa uu Turkiga ka caawiyay inay ku dhameystaan kaalinta saddexaad ee finalka South Korea.
Inkastoo uu dhaliyay 51 gool 112 kulan oo uu saftay heer caalami, ciyaaryahankii hore ayaa lagu qasbay inuu ka baxsado dalkiisa ka dib markii uu soo saaray warqad amar ah oo lagu xirayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Sukur waxa uu la hadlayay wargayska Jarmalka, Welt am Sonntag, wax ku saabsan noloshiisa cusub ee Ameerika.
Waxa uu yiri: “Waxaan u soo guuray Mareykanka, anoo markii hore ka shaqeynay maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taal California, balse dad qariib ah ayaa soo galayay baarka”.
Amarka lagu soo xirayo Erdogan ayuu qeybiyay sanadkii 2017-kii kadib markii Madaxweynaha Turkiga uu Sukur ku eedeeyay in uu ka tirsan yahay Ururka Argagixisada ee Fethullahist (FETO).
Sidoo kale waxaa loo yaqaan Dhaqdhaqaaqa Gulen, kooxda waxaa lagu tiriyaa argagixisada Pakistan, Turkiga iyo Waqooyiga Qubrus. FETO ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay 2016-kii.
Sukur oo hore uga tirsanaan jiray Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee Erdogan ayaa loo doortay xildhibaan doorashadii guud ee 2011 ka dib markii uu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta 2008dii.
Hadda oo uu musaafuris ugu nool yahay California gooldhaliyaha ugu sarreeya ee Super Lig wuu diiday inuu wax khalad ah sameeyay.
Waxa uu intaa ku daray: ” Qofna uma eka inuu sharxi karo waxa ay ahayd doorkayga afgambigan”.
“Weligay ma samayn wax sharci darro ah, ma ihi khaa’in ama argagixiso.”
Guryihii Sukur, Goobo Ganacsi iyo Akoonno Bangi oo ku yaalla dalka Turkiga ayaa dhammaantood waxaa la wareegtay dowladda Erdogan.
Waxa uu yiri: “Wax iga harsan ma jiraan, Erdogan wuxuu qaatay wax walba: xaqayga waxaa ah xorriyadda hadalka iyo xaqa aan u leeyahay inaan shaqeeyo.”
W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud