Home / Habka-Nolosha / Xirfadlayaasha kubadda cagta ee dhanka cilmiga heerka ka gaaray

Xirfadlayaasha kubadda cagta ee dhanka cilmiga heerka ka gaaray

Waxaan eegi doonnaa tiro cayaartoy ah oo ay wehliyaan macallimiin xirfaddooda kubadda cagta meel ka gaaray oo dhanka kale barashada cilmiga heerar kala duwan ka gaaray.

Socrates ayaa mar ahaa kabtankii qaranka Brazil oo markaa guulo badan ay gaareen xilli xiddigo waa weyn ay xulkaa joogeen, waa qad dhexe oo weerartama, misna macno kale ayuu sameeyay markii uu gaaray darajada PHD oo uu ku diyaariyay Cilmiga Caafimaadka gaar aqaan qalliinada guud, sidoo kale Psychology ayuu ku diraayiyay PHD.

EdwinVan Der Sar ayaa waayo wacan la qaatay kooxaha Ajax iyo Fulham kahor inta uusan halyey ku noqon gegada Old Trafford oo uusan noqon geesi ay jecelyihiin cayaartoyda, maamulka iyo taageerayaasha kooxda kubadda cagta Manchester United.

Van der Sar ayaana darajada labaad ee Master Degree ku diyaariyay Cilmiga Maareynta Cayaaraha ee afka qalaad lagu yiraa Master of Football Management.

Arsene Wenger Waa tababare waqti dheer maareynaya kooxda kubadda cagta Arsenal, waxaana lagu naaneysaa “Le Professeur”, waxa uu ku hadlaa toddobo luuqadood, isagoo kasoo shaqeeyay dalalka Faransiiska, Japan iyo Ingiriiska.

Cilmiga dhaqaalaha ayuu Wenger ku diyaariyay darajada heerka labaad ee Master oo uu kaga soo baxay Jaamacadda Strasbourg.

Steven Coppel Wuxuu waqti fiican la qaatay kooxda kubadda cagta Manchester United isagoo dhaawac jilibka kasoo gaaray uga fariistay dheesha kubadda cagta, wuxuuse tababare u soo noqday kooxo ay kamid yihiin Manchester City, Reading iyo Crystal Palace.

Ninkan ayaase darajada Masters isna ka diyaariyay Cilmiga dhaqaalaha iyo Taariikhda.

 Iain Dowie ayaa kubad heersare ah soo bandhigay waayihiisii kubadda cagta, intii ka dhexlaheyd 1983-2001, isagoo qaab cajiib ah weerarka uga soo cayaaray kooxaha West Ham, Crystal Palace iyo Southampton, isagoo markii danbe macallin u noqday kooxaha Crystal Palace iyo QPR.

Wuxuu isna 51 jirkaan Cilmiga Injineernimada ka diyaariyay University of Hertfordshire, markii uu ka fariistay kubadda cagta ayuuna ku biiray cirbixiyeenada Ingiriiska.

Juan Mata waa hal abuure kubadda laxanka dhexe ka saara oo wehel u ah taageerayaasha ciishoonaya ee United walow mustaqbalkiisa kooxdaa uu mugdi ku jiro, wuxuu sidoo kale u cayaaraa xulka La Roja.

Barashada cilmiga qudhiisu meel sare ayuu ka gaaray labo darajo ayuu ka sameeyay culuunta Maamulka cayaaraha iyo Suuq geynta.

Duncan Watmore oo ah da’yar u cayaara kooxda kubadda cagta Sunderland ayaa isna hantay darajada koowaad ee cilmiga dhaqaalaha iyadoo macallin Allardyce uu u ogolaaday wiilkan inuu ka qeybgalo xafladiisa qalin jebinta jaamacadda Newcastle University.

Andrey Arshavin lagama heyn bandhig cayaareed cajiib ah waayihiisii Arsenal, wallow xiddigu uu markaa ku mashquulsanaa diyaarinta buugiisa qalin jabinta jaamacadda oo ciwaankiisu uu ahaa Horumarinta Soosaarka dharka Isboortiga.

Arshavin ayaana darajada koowaad ka diyaariyay cilmiga hab labiseedka ee afka qalaad lagu yiraahdo Fashion and Style.

Vicent Kompany kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa noqonaya qofka ugu danbeeya oo aynu soo qaadaneyno wallow ay xiddigo kale oo badan jiraan.

Wiilkan reer Belgium ayaa luuqadda Ingiriisiga ugu hadla si ka fiican qaar badan oo u dhashay, dhowaan ayuuna darajada heerka labaad ee Master Degree ku diyaariyay Culuunta Dhaqaalaha.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan