Kooxda kubadda koleyga I.L.S ayaa iska diiday shalayto inay garoonka gasho oo kulan hanashada horyaalka cidda loo caleema saarayo muujin karay ay la yeelato kooxda Dekedda.
Gadoodka ay kooxdaa sameysa ayaana keentay in kulankaa xiriirka kubadda koleygu ay go’aamiyaan in dhibcihiisa faraqa loogu shubo kooxda Dekedda.
Kooxda kubadda Koleyga I.L.S ayaana gadoodka sameysay markii loo diiday inay garoonka la soo galaan labo cayaartoy oo ajaanib ah oo dalka dibaddiisa ay ka keeneen.
Caadiyan koox walba oo kubadda koleyga dheesha xiriirku wuxuu u ogol yahay 15 cayaaryahan.
Xiriirka ayaana u sheegay I.L.S inay heysato cayaartoyda loo ogol yahay oo in ka dheeri ah aan loo siin doonin fursad.
Hayeeshee waa ay ka biyo diideen kooxda kubadda koleyga I.L.S, taa ayaana keentay in xiriirka kubadda koleyga ay gaaraan go’aamadan:
1- In kooxda I.L.S laga joojiyo kulamada u haray ee tartanka horyaalka hadda socda, dhibcihii horey ay u lahaayeena laga qaado.
2- In Macallimiinta kooxda oo kala ah Saciid Maxamed Shiikh iyo Daa’uud Diiriye Fiidshe laga joojiyo shaqada Macallinnimo ee kubadda Koleyga muddo hal sano ah.
Kooxda I.L.S ayaa xagaagii hore ku guuleysatay koobka Janaraal Daa’uud, waxaana la aas-aasay sanadii 2013, waxayna kamid ahaayeen kooxaha ugu wanaagsan 10ka kooxood ee horyaalka kubadda koleyga heerkiisa koowaad jooga.