Home / Cayaaro / Xiriirka u dhexeeya Atletico Madrid iyo Juventus oo sii xoogeysanaya

Xiriirka u dhexeeya Atletico Madrid iyo Juventus oo sii xoogeysanaya

Himilo – Kooxda dhawaan loo caleemo saaray Horyaalka La Liga ee Atletico Madrid ayaa wadahadalo kula jirta Juventus oo ku aadan saxiixa weeraryahanka reer Argentina Paulo Dybala, sida laga soo xigtay El Larguero.

Dybala, oo 27 jir ah, ayaan qandaraas kordhin u saxiixin kooxda ka dhisan Turin, iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo June 2022 wadahadaladiina ay istaageen.

Ka dib xilli ciyaareed niyad jab leh iyo cadaadis dhaqaale oo isa soo taraya, Juve ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay  dhaqaajiso Dybala xagaagan si ay hoos ugu dhigto mushaharkooda, iyadoo ciyaaryahanka reer Argentine uu qaadanayo 7 milyan euro xilli ciyaareedkii, waxaana jiray xiiso dheer oo ay u qabaan Manchester United, Tottenham iyo PSG.

Si kastaba, kooxda reer Talyaani ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay heshiis isdhaafsi ah oo ka dhigaya in weeraryahanka Atletico Angel Correa uu ku biiro iyaga oo ay dhaafsadaan Dybala ,Tababaraha Atletico Diego Simeone ayaa la sheegay inuu ka soo horjeedo heshiiskan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan