Home / Habka-Nolosha / Xog ku saabsan kulanka ay dhexdhexaadinayaan garsoorayaasha Soomaaliyeed + Sawirro

Xog ku saabsan kulanka ay dhexdhexaadinayaan garsoorayaasha Soomaaliyeed + Sawirro

Garsoorayaal heer caalami oo Soomali ah ayaa dhexdhexaadin doona kulan cayaareedka kala baxa ah ee caawa dhexmaraya 20 jirrada xulalka Nigeria iyo Sudan.

Afarta garsoore ee kala ah Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Mahad Cali Maxamud, Saalax Cumar Abuukar iyo Bashiir Colaad Carab ayaana kulankan loo idmaday inay garsooraah iyagoo kamid ah sagaal dhexdhexaadiye oo caalami ah kuwaasoo u dhashay dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Cayaartan ayaa ah mid labada xul ee Nigeria iyo Sudan ay loolan ugu jiraan ciddii iska xaadirin laheyd cayaaraha 20 jirrada Afrika ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Zambia.

Cayaartan caawa ayay soo dhici doontaa saacadda geeska Afrika marka ay tahay 08:00 fiidnimo, waxaana lagu dheeli doonaa gegada Al-Merrikh Stadium.

12

1

2

3

5

4

Xuquuqda Sawiradda: Garsoore Mahad Cali Maxamuud

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan