Home / Deegaan / Xog ku saabsan marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka

Xog ku saabsan marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka

Himilo FM – Kanaalka Suweys waa marin-biyood laga sameeyay Masar kaasi oo xiriiriya badaha Mediterranean-ka iyo badda cas. Kanaalkani waxa uu Masar u leeyahay ahmiyad weyn, waana il-dhaqaale wanaagsan ka soo galo dalkaasi.

Tirada marakiibta isticmaashay kanaalkani sannadkii 2013 ayaa gaaraysa 16596 oo markab, waana midda siineysa marin-biyoodka ahmiyad inteeda la eg.

Fikrada dhisitaanka Suweys ma’aysan aheyn mid ku cusub injineerada dalka Masar , Lennan de Belvon ayaa waxa uu sameeyay qorshaha dhisitaanka kanaalka sannadkii 1840 laakiin markii uu xukunka la wareegay Maxamed Bash sanandkii 1856 ayaa waxa uu soo saaray amar lagu dhisayo kanaalka.

Dhismaha kanaalka waxa la billaabay sannadi 1859, wuxuuna dhismahiisa socday 10 sanno. Waxaa si rasmi ah loo furay sannadii 1869.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay beesha caalamka , qiimaha dhismahiisu ku baxay ayaa lagu qiyaasay 100 milyan oo doolar.

Kanaalka Suweys ahamiyad ayuu u leyahay dhammaan caalamka oo idil , waxaa mara kanaalkani 15% marakiibta dunida kuwa ganacsiga iyo kuwa aan ganacsiga aheynba iyadoo laga qaado lacagta marinka.

Waxa uu fududeeyay marakiibta ka imaaneysay Ameerika iyo Yurub inay si fudud u garaan qaaradda Asia iyaga oo aan wareeg dheer galin , taasi oo sahashay sidoo kale isweydaarsiga ganacsiga .

Waxa uu sidoo kale kanaalkani u baajiyay maraakiibta shidaal badan oo kaga bixi lahaa wareegga dheer oo ay mari lahaayeen.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan