Home / Macluumaad / Xog ku saabsan ururka midowga Africa oo labaatan jirsaday

Xog ku saabsan ururka midowga Africa oo labaatan jirsaday

Himilo – Bishii May ee sanadkii 1963-kii madaxda 32 dal oo markaas madax bannaanaa ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya si ay qalinka ugu duugaan cahdi dhigaya dhismaha ururkii ugu horreeyay ee mideeya wadamada qaaradda Africa kaddib xorriyad heliddii.

Kaddib ogolaanshiyada dowladahaasi waxaa la dhisay 25-kii May ee isla sanadkaasi Ururka midnimada Africa ee xilligaas magaciisa loo soo gaabin jiray AOU.

Hadafka la tiigsanayay ayaa ahaa in la mideeyo dalalka qaaradda, la xorreeyo kuwa ku hoos noolaa gumeystaha, si ay u noqoto qaaradda mid madax bannaan iyo in la helo sinnaan iyo cadaalad.

Mid ka mid ah waxyaabaha lagu xasuusto waa kaalintii uu kulahaa taageeridda halgankii lagu xorreeynayay madowga ku nool Koofur Africa ee looga soo horjeeday midab takoorkii ay ku kacayeen caddaankii tirade yaraa ee awoodda lahaa.

Wixii uu shaqeeyaba doorna uu ka qaato xormido gaarsiinta dalal dhowr ah, waxaa laga takhalusay howshiisa 09-kii bishii September ee sanadkii 1999-kii, kaddib fadhi ay yeesheen madaxda dowladihii xubnaha ka ahaa AOU. Waxaa halkaasi laga soo saaray Baaqii Sirte Declaration ee ubucda u ahaa aas aaska urur kale oo badalla midka midnimada Africa.

Iyada oo laga duulayo baaqaasi, ayaa bishii Luulyo ee sanadkii 2002-dii magaalada Durban ee dalka Koofur Africa looga dhawaaqay urur cusub oo qaatay magaca Midowga Africa.

Waxaa loo dejiyay ahdaaf dhowr ah oo ay ugu mudnaayeen xoojinta midnimada Africa, maadaama laga adkaaday oo la eryay gumeystihii dul deganaa qaaradda.

Si loo fuliyo ujeedooyinkaasi waxaa dhaqan galka howlaha ururka iska kaashada, golaha guud oo ay ku jiraan 55 dowladood ee xubnaha ka ah AU-da, Midka fulinta, guddiga matalayaasha joogtada ah ee qabta shaqa maalmeedka ururka, kan farsamada iyo golaha nabadgalyada iyo ammaanka.

Waxa uu sidoo kale ururku leeyahay xubin cadaaladeed iyo mid ka shaqeysa xuquuqda aadanaha oo lagu daray waaxyo ka shaqeeeya xoojinta dhaqaalaha sida Bankiga Africa, Midka maalgelinta Africa iyo hay’adda lacagaha.

Marka laga yimaado Addis Ababa, waxa uu sidoo kale ururka Midowga Africa fadhiyo ku leeyahay magaalada Lagos ee dalka Nigeria iyo Qaahiro caasimadda Masar. Waxa uu go’aan ka gaaraa masiirka in ka badan 1.4 bilyan oo afrikaan da’ yar u badan, isaga oo maraya madaxdooda.

Ururka ayaa u baddaal degaya labaatan gu’ sano jirkiisa, inkasto oo uu soo bandhigayo waxqabad iyo guulihii uu ku tillaabsaday haddana waxaa dadka wax taxliiliya qaarkood dhaliilaan gaabiska shaqadiisa.

 

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan