Home / Habka-Nolosha / Xogta kulamada Caawa ee Qaarada Yurub.

Xogta kulamada Caawa ee Qaarada Yurub.

 

Caawa waxaa ka jira qaarada yurub kulama xiisa badan, kooxaha  qaar waxa ay u tahay kulankii ay kusoo afmeeri lahaayeen kulamad fasaxa, maadama ay dhawaan furmayaan horyaalada kala duwan, haba usu soo dhawaado Epl-ka.

Kulanka ugu xiisaha badan waxa uu dhex mari doona kooxaha Arsenal Iyo Manchester City.

Magaalada Gothenburg oo Sweden ka tirsan ayeey caawa  8:00 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika ku cayaari doonaan labadaan koox, waana kulankoodii ugu dambeyay kulamada fasaxa.

Macalinka dhawaan galka ku Ingiriiska  ah ee Pep Guardiola ayaa tijaabin doona koox ka mid ah kooxaha ugu tukna wayn horyaalka uu ku cusubyahay.

Arsenal waxa ay dhankeeda heli doontaa adeega Alexis Sanchez.

ITV ayaadna si toos ah kulankaan ugu daawan kartaa.

Shaxda maan galka ah:

Arsenal: Cech, Bellerin, Chambers, Gabriel, Monreal, Xhaka, Coquelin, Oxlade-Chamberlain, Ramsey, Walcott, Sanchez

Man City: Hart, Sagna, Otamendi, Mangala, Clichy, Fernandinho, Delph, De Bruyne, Sterling, Aguero, Nolito.

Dhanka kale macallin Klopp ayaa ciyaari doona kulan, kadib guushii Barcelona, Mainz 05 iyo Liverpool, 4:45 Galabnimo xiliga Geeska Afrika ayaa la daawan doonaa.

Kulamo kale ayaa jira qaarada Yurub, Kooxda Napoli ayaa soo dhawayn doonta Kooxda Monaco.

Werder Bremen ayaa martigalin doonta Chelsea, 4:00 Galabnimo xiliga Geeska Afrika.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan