Caawa labada koox ee Liverpool iyo Barcelona ayaa isku arki doona garoonka ingiriiska ku yaala ee Wembley kulan ka tirsan International – Champions Cup.
Reds ayaa ciyaari doonta kulankaan iyadoo kalan kale uu uga harsanyahay kulamadeeda fasaxa xagaagan.
Liverpool ayaa kaga jirta booska 6-aad liiska kala horeynta koobka ICC, madama ay kaliya hal guul gaartay kulanna ay guuldaro la kulantay labadii kulan ee ay ciyaartay.
XOGTA KULANKA:
Kulanka: Liverpool vs. Barcelona
Tartanka: Koobka ICC
Gorta : 7:15 Fiidnimo (Xilliga Geeska Afrika)
Goobta: Wembley Stadium
Waxa aad ka daawan kartaa:
Hilinka kooxda Liverpool (LFCTV), Sky Sports 1, beIN SPORTS 2 HD.
Afartan sanno ka hor ayaa isugu dambeysay labadaan koox in ay isku arkaan kullan saxiibtinimo, waana kalankii labaad ee saaxiibtinimo ay cayaraan waayahooda.
1977, cayaar ka dhacday Olympic Stadium ayaa isugu dambeysay labadaan koox. Gool uu David Johnson dhaliyay ayeyna Liverpool guusha ku raacday xiligaas.
Dhanak kale kooxahaan ayaa ka siman kulamada kale ee ay cayaareen, lix jeer ayey isku arkeen tartamada yurub.
4 jeer oo badis ah min Labo ayeey u kala qaateen, halka laba kullana ay bar bar dhac kusoo idlaadeen.
Livepool ayaa taariikh ka sameysay kullan Camp Nou ka dhacay 2007, markaas oo ay 2-1 ku garaacday kooxda Barcelona.
Luis Alberto Suarez iyo Javier Mascherano ayaa soo dhawayn wanaagsan ka filaya jamaarhiirta Reds.
Stegen, Bravo, Rakitic, Vermaelen, Pique, Iniesta iyo ayaa Alba ayaa si buuxda ugu soo laabtay xerada tababarka ee Barcelona.
Shaxda Macquulka ah.
Liverpool (4-1-4-1):
Mignolet; Arnold, Lovren, Klavan, Milner; Henderson; Mané, Lallana, Wijnaldum, Coutinho; Sturridge.
Barcelona (4-3-3):
Masip; Vidal, Marlon, Mathieu, Camara; D. Suárez, Roberto, Turan; Messi, L. Suárez, Munir.