Emirates Stadium oo ah garoonka kooxda Arsenal waxaa ka dhici doonta cayaar u dhaxaysa Arsenal iyo LIvepool, waa bilaaasho adag oo labadaan kooxba ay horyaalka ku bilawdaan, waana kulanka ugu adag ee todobaadkaan horyaalka.
Arsenal ayaa xili cayareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta labaad ee horyaalka, waxa ayna sanadkaan dooneysaa hanashada horyaalka, inkastoo aysan isu soo diyaarin sida kooxaha kale ee waawayn. Halka Liverpool ku dhamaysatay kaalinta 8aad ee horyaalka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Ogeysiiska Kulanka
Kulanka: Arsenal vs. Liverpool
Saacadda: 6pm (Xilliga Geeska Africa)
Garoonka: Emirates Stadium (London)
Tababare reer jarmal Jurgen Klopp ayeey u bilaaban doontaa xilli cayaareedkiisii ugu horeyay ee dhamaystiran, waxa uuna muujiyay in Reds ay diyaartahay loolan adag.
Waraka labada koox.
Arsene Wenger ayaa la fajacsan dhaawacyada hareeyay kooxdiisa safka hore, waxa uuna ka fikaraya safkii uu uga hor imaan lahaa Liverpool oo iyadu haysata saf dhamaystiran.
Mesut Ozil ayaa dhowaan kasoo laabtay fasaxa xagaaga, laakiin lama filayo inuu ciyaaro kulankaan maadaama uusan si buuxda weli taam u aheyn si la mid ah Laurent Koscienly, halka Per Mertasacker, Gabriel Paulister iyo Danny Welbeck dhammaantood dhaawacyo laga dabiibayo.
Dhanka kale, Liverpool ayaa hogaamineysa liiska kooxaha dhaawacyada ugu badan ay hareeyeen sideed xiddig oo kooxda koowaad ah ayaana la filayaa inay seegaan safarka Emirates Stadium ee Axada.
Waana Marko Gruijic, Dejan Lovren, James Milner, Daniel Sturridge, Alberto Moreno, Divock Origi, Joe Gomez iyo goolhaye Loris Karius oo dhammaantood dhaawacyo ku seegi doona kulanka Arsenal.
Si kastaba ha ahaatee, saxiixyadii Liverpool ee xagaagaan Sadio Mane, Georginio Wijnaldum iyo Joel Matip ayaa la filayaa inay dhammaantood kusoo bilowdaan kulankaan, halka Ragnar Klavan uu kusoo bilaaban doono ciyaartaan laakiin waxay ku xirnaan doontaa taam ahaanshiyaha Dejan Lovren.
Kulankaani wuxuu noqon doonaa midkii 220aad ee kooxaha Arsenal iyo Liverpool ku dhexmara tartamada oo dhan.
Arsenal ayaa badisay 72 ka mid ah kulamadaas, halka Liverpool ay badisay 76 kulan, waxaana xusid mudan inay 53 kulan barbardhac galeen labadaan kooxood.
551 gool ayaa la iska dhaliyey 220kaas kulan ee dhexmaray labadaan kooxood, 266 gool oo ka mid ah waxaa dhaliyey Arsenal, halka Liverpool ay dhalisay 285 gool mudadaas.
98 kulan ayaa lagu ciyaaray garoomada Arsenal, iyadoo Arsenal ay badisay 44 kulan, halka Liverpool ay badisay 21 kulan, halka 33da kulan ee kale ay dhammaantood barbardhac kusoo idlaadeen.
Labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool ayaa iska dhaliyey 313 gool markii ay garoomadoodii hore ku kulmeen, 195 gool waxaa dhalisay Arsenal, halka ay Liverpool dhalisay 118 gool.
Guushii ugu weyneyd ee ay Arsenal garoonkeeda uga gaartay Liverpool waxay aheyd 8-1, ciyaartaasi waxay dhacday xilli ciyaareedkii 1934 illaa 1935.
Guushii ugu weyneyd ee ay Liverpool ka gaarto Arsenal iyadoo marti u ah waxay aheyd 5-0 waxayna guushaasi aheyd horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii 1893 illaa 1894.
Shaxda Macquulka ah.
Arsenal (4-2-3-1): Cech – Monreal, Holding, Chambers, Bellerin – Xhaka, Coquelin – Iwobi, Ramsey, Chamberlain – Sanchez.
Liverpool (4-2-3-1): Mignolet – Clyne, Lovren, Matip, Moreno – Can, Wijnaldum – Lallana, Coutinho, Firmino – Mane.