Home / Habka-Nolosha / Xogta kulanka Barcelona iyo Real Betis

Xogta kulanka Barcelona iyo Real Betis

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa wajahaysa kooxda Real Betis kulankeeda ugu horreeya ee xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017, waana mid ka mid ah kulamada ugu adag tartanka horyaalka La Liga toddobaadkiisa koowaad.

Barcelona ayaa bilow wanaagsan ku furatay xilli ciyaareedkaan ka dib markii ay ku guuleysteen tartanka Spanish Super Cup ciyaar celcelis ahaan kusoo idlaatay 5-0 oo ay kaga takhalustay kooxda Sevilla.

Kulanka: Barcelona Iyo Real Betis
Saacada: 7:15pm (Xilliga Geeska Afrika)
Garoonka: Camp Nou Stadium- Barcelona
Garsooraha Kulankaan: Alberto Undiano
Dhanka kale, kooxda Real Betis ayaa sameysay saxiixyadii ugu badnaa ee xagaagan waxayna lasoo wareegtay 12 ciyaariyahan inta ay furan tahay daaqada kala iibsiga ciyaartooyda, magacyada kasoo muuqan doona kooxda waxaa qeyb ka ah Antonio Sanabria kaas oo kaga yimid dhanka kooxda AS Roma ee ka dhisan dalka Italy.

Si lamid ah kooxda Luis Enrique ayaa iyana sameysay saxiixyo waa wayn waxaana kamid ah xiddiga yimid Camp Nou xilli ciyaareedkan Lucas Digne oo kaga yimid dhanka kooxda PSG, kubada sameyaha xulka Portugal Andre Gomes, Samuel Umtiti oo isna kaga soo biiray kooxda ka dhisan qalcada Faransiiska ee  Olympique Lyon, halka ay dib usoo ceshatay wiilkeedii hore ee Denis Suarez.

MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?
Luis Enrique ayaan adeegsan doonin goolhaye Ter Stegen kaas oo ka sheegannaya dhawaac dhanka jilibka, halka xiddigaha Iniesta, Mascherano iyo  Mattieu shaki wayn la galinayo madaama ay ciyaareen labadii lug ee Super Cup ay wajaheen kooxda  Sevilla.

Macalinka kooxda Betis Poyet ayaa heli doonin adeega xiddiga reer Spain Rafeal Navarro kaas oo ka sheeganaya dhaawac dhanka shan shada, halka weeraryahanka reer Paragua Sanabria Antonio uu isna ku seegayo ciyaarta dhawaac dhanka bowdada ah.

Xiddigaha Neymar iyo  Rafinha ayaa wali kamaqnaanaya kooxda madaama ay ka qeyb galayaan tartanka Olympic da ee ka socda dalka Brazil.

Saxiix yada cusub ee kooxda Lucas Digne iyo Samuel Umtiti ayaa dhamaan la filayaa in saftaan kulankooda ugu horeya horyaalka La Liga ciyaarta la ciyaarayaan kooxda Real Betis, halka kubad sameyaha Portugues ka Andre Gomes uu ganaax ku seegayo ciyaartan

MA OGTAHAY?
Kooxda Barcelona ayaa guuleesatay 9 kulan oo kamid ah 11-kii kulan ee ugu dambeyay ee ay ku ciyaarto garoonkeeda Camp Nou tartanka horyaalka La Liga, kaliya laba qasaaro ayeey kala kulmeen mana jirto barbare ay ku galeen garoonkooda 11-kii kulan ee ugu dambeysay.

Real Betis ayaa ku dhacday in ay guul soo gaarto shantii kulan ee ugu dambeysay ay kusoo ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda kulamada horyaalka La Liga, maankana ku hay kooxdan kaliya hal kulan ayeey  guuleesatay dhamaan 12-kii kulan ee ugu dambeyay ee ay ku ciyaarto meel kabaxsan garoonkeeda.

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN
Barcelona: (4-3-3): Bravo – Digne, Umtiti, Pique, Alba – Rakitic, D.Suarez, Busquets – Turan, Suarez, Messi.

Real Betis (4-3-3) Adan – Sara, Pezzella, Mandi, Piccini – Petros, Martin, Cejudo – Ceballos, Musonda, Castro.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan