Cayaar galabta ka dhici doonta garoonka Vitality Stadium ee kooxda AFC Bournemouth waxaa fooda is dari doona Macnhester United iyo Bournemouth.
United ayaa xagaagaan samesay dib u dhis wayn waxa ayna awoodeeda tijaabin doonta marka ay galabta u martiso Bournemouth.
Ogeysiiska Kulanka
Kulanka: Bournemouth vs. Manchester United
Saacadda: 3:30pm (Geeska Africa)
Garoonka: Vitality Stadium (Bournemouth)
Xogta dheeriga ah ee kulankaan
United ayaa la cayaareysa koox kaalinta 16aad ee kala horeynta horyaalka ku dhamaysatay xagaagii lasoo dhaafay.
Bournemouth ayaase xilli ciyaareedkaan ku furan doonta kulankeedii ugu adkaa. Tababare Eddie Howe ayaana weli kusii adkeysanaya inuu dhaqangeliyo sharcigiisa ah inuu fursad siiyo ciyaartoyda dhallinyarada ah, saxiixii ugu dhallinta badnaa ee uu sameeyey xagaagaan wuxuu ahaa 22 sanno jir.
Jose Morinho oo FA Community Shield horay usoo qaaday, ayaa maanta waxaa u bilaaban doona waayihiisa adag ee Man Utd, kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka ayuuna cayaarayaa.
Mourinho ayaa sidoo kale heysta rikoorka ah inuu ku guuleystay horyaal koox kasta oo uu laba xilli ciyaareed joogay. Wuxuuna doonayaa inuu rikoorkaas kusii ilaashado kooxda ka dhisan Old Trafford isla markaana uu u qaado horyaalkoodii ugu horreeyey ee Premier League tan iyo markii uu kooxdaan ka fariistay Sir Alex Ferguson.
Wararka labada Koox.
Kaliya Chris Smalling iyo Paul Pogba ayaa ka maqan macalin Jose, kaasoo ganaax ku seegaya kulankaan,
Saxiixyada cusub Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan iyo Eric Bailly ayaa dhammaantood la filayaa inay ciyaaraan kulamadoodii ugu horreeyey ee Premier League,
Bournemouth dhankeeda , xiddigaha Tyrone Mings, Adam Smith iyo Tokelo Rantie ayaa dhammaantood dhaawac ku seegi doona kulankaan xitaa diyaar uma ahan xulashada ciyaartaan.
Si kastaba ha ahaatee, saxiixyada cusub ee kooxdaan Jordon Ibe, Lewis Cook, Nathan Ake, Emerson Hyndman iyo Lyst Mousset ayaa dhammaantood la filayaa inay door ka ciyaaraan kulankaan.
Kaliya Laba kulan ayeey is arkeen waayahooda ciyaaaraha labadaan Koox.
12kii bishii December 2015 Bournemouth ayaa Red Devils ku garaacday 2-1 ah, balse United ayaa ka aarsatay markii bishii May 2016, ay ku garaacday 3-1 cayaar ka dhacday Old Trafford.
Shaxda macquulka ah:
Bournemouth (4-4-2): Boruc – Francis, Smith, Steve Cook, Daniels – Gradel, Surman, Arter, Ibe – Afobe, Wilson.
Manchester United (4-2-3-1): De Gea – Shaw, Blind, Bailly, Valencia – Carrick, Fellaini – Martial, Rooney, Mkhitaryan – Ibrahimovic.