Home / Habka-Nolosha / Xogta kulanka Burton Albion iyo Liverpool.

Xogta kulanka Burton Albion iyo Liverpool.

Liverpool ayaa wajaheysa caawa kooxda Burton Albion kulan ka tirsan wareega labaad ee koobka League Cup-ka iyadoo Klopp uu isbadal weyn ku sameyn doono shaxdiisa kadib guuldaradii Burnley.

Daafaca ay sida xorta ah ku heleen Matip ayaa filanaya inuu kusoo bilowdo ciyaartaan sidoo kalana da’yarka Mirko Grujic iyo Emre Can ayaa iyagana fursad u heli doona iney ciyaaraan kulakaan halka Divock Origi uu hogaamin doono weerarka Reds.

 

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Burton Albion vs Liverpool

Tartanka: League Cup (Wareega 2-aad)

Garoonka: Pirelli Stadium

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Simon Hooper

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood:

Jurgen Klopp ayaa ku qasban inuu nasiino siiyo qaar ka mid ah xidigahiisa madama isbuuca soo aadan uu wajahayo Tottenham Hotspur kulan ka tirsan horyaalka, waxaana la filayaa inuu shaxda rogo caawa.

Tiro ciyaartoyda da’da yar ayuu fursad siin doonaa kulankaan waxaana ka mid ah:Trent Alexander-Arnold and Kevin Stewart, halka Joel Matip, Emre Can iyo Divock Origi ay noqon doonaan ciyaartoyda waaya aragga ah ee lagu kaabi doono.

Ma jiro dhaawac soo gaaray Reds kulankii ugu dambeeyay marka laga reebo Loris Karius, Mamadou Sakho, Joe Gomez, Lucas Leiva Iyo Sheyi Ojoare kuwaas oo aan dhamaantood u diyaarsaneyn iney soo laabtaan..

Xaqiiqooyinka Kulankaan:

Waa markii ugu horeysay oo ay kulmaan labadaan kooxood taariikhda.

Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay koobka League Cup-ka ay la ciyaartay kooxaha darajada hoose (8-guul iyo 4-barbardhac) ayey ka heshay, inkastoo mid ka mid ah ay barbaro la gashay ilaa ay rigooreyaal kaga badisay Northampton bishii September 2010.

Burton kaliya laba jeer ayey wajahday kooxo ka socda heerka koowaad ee Premier League-ga sadexdii xili ee ugu dambeysay tartankaan, waxey garaacday QPR 2014/2015, halka ay guuldaro kala kulantay Fulham 2013/2014.

Liverpool ayaa gaartay Semi finalka tartankaan sadex ka mid ah shantii tartan ee ugu dambeysay, waxaana u dNheer in laba ka mid ah ay gaartay Finalka. Guushii 2012 iyo guuldaradii 2016

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan