Xogta Kulanka Hull City iyo Leicester City.

Leicester City ayaa isu diyaarineysa difaacashada horyaalka England, waxayna kooxdaan noqotay kooxdii ugu horeysay ee ciyaarta kulanka koowaad iyadoo kusoo guuleysatay horyaalka.

Kooxdaan Dawacooyinka lagu naynnaaso ayaa doonaya in ay sanadkii labaad oo xiriir ah wacdaro ka dhigaan horyaal xiisa badan ee EPL-ka. Waxaase arintaas aan qabin inta badan dadka dharaandhiriya horyaalkan, iyagoo u sababeynaya in kooxaha waawayn ay sanadkaan aad isu qalabeeyeen.

Xogta Kulanka:

Kulanka: Hull City vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: KCOM Stadium

Saacadda: 2:30 Duhurnimo (Geeska Afrika)

Garsoore: Mike Dean (England)

 

Leicester City ayaa wayn doonta Robert Huth madama uu ku qasban yahay inuu dhameesto ganaaxii sadexda kulan ahaa ee uu ku dhacay kulankii Man United ee xili cayaraadkii hore.

Matty James cayaaryahanaka la yiraahdo ayaa isna dhaawac ku seegi doona kulnakaan , balse wajiga ku cusub kooxdaan ee Ahmed Musa ayaa laga yaabaa in uu safto kulankiisii ugu horeeyay kaas oo 16 Malyan uga yimid CSKA Moscow.

Xaqiiqooyinka Kulankaan.

Hull City wax guul ah magaarin shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Leicester City 2-barbardhac iyo 3-guuldaro.

Ma dhicin koox difaacaneysa horyaalka Premier League-ga iney guuldaro soo gaarto ebid horyaalka EPL-ka, 19-guul ayaa lagu bilaabay halka 4-jeer barbaro ay  ku bilowdeen.

Koox kasoo dalacday heerka labaad guul ma gaarin tan iyo August 2014 kulanka furitaanka EPL-ka.

Renieri ayaa doonaya inuu gaaro guushii 100-aad ee Premier League-ga isagoo tababare ah, wuxuuna noqon doonaa macalinka shanaad ee aan British u dhalan kaas oo gaara guulaha intaas la eg.

Shaxda Macquulka ah:

 

Hull City: Jakupovic; Elmohamady, Livermore, Davies, Robertson; Clucas, Huddlestone, Meyler, Snodgrass; Dimonade, Hernandez

Leicester City: Schmeichel; Simpson, Hernandez, Morgan, Fuchs; Mahrez, King, Drinkwater, Albrighton; Okazaki, Vardy

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan